DHAQDHAAQA DADKA EE AMMAANKA AH WUXUU XOOJIYAA KOBACA DHAQAALAHA, HORUMARINTA XIRFADAHA, HAL-ABUURKA GANACSIGA, IYO IS-DHEXGELKA GOBOLKA

Addis Ababa,Gudba,Hidhaar 10/2019 (ENA) Dhaqdhaqaaqa dadka ee ammaanka ah iyo nidaamka leh wuxuu xoojiyaa kobaca dhaqaalaha, horumarinta xirfadaha, hal-abuurka ganacsiga, iyo is-dhexgalka gobolka, sida ay sheegtay Ra’iisul Wasaaraha Uganda Robinah Nabbanja.

 

Madasha Abaalmarinta Warbaahinta IGAD ee sanadka 2026 ayaa ka socota caasimadda Uganda ee Kampala, iyadoo halku-dhiggeedu yahay (Dhaqdhaqaaqa dadka ee loogu talagalay is-dhexgalka gobolka, isu-socodka xorta ah, fursadaha shaqo ee wanaagsan, ilaalinta iyo barwaaqada wadaagga ah)

 

Waxaa la xusay in barnaamijkan looga golleeyahay in lagu dhiirrigeliyo warbixinno sax ah, dadka udub-dhexaad u yihiin, isla markaana xog ku salaysan, kuwaas oo ilaalinaya sharafta bini'aadamka, ka hortagaya wararka been-abuurka ah, isla markaana muujinaya in dhaqdhaqaaqa dadku uu yahay awood muhiim u ah is-dhexgalka gobolka, iskaashiga, iyo barwaaqada wadaagga ah.

 

Barnaamijkan waxaa lagu abaalmarin doonaa xirfadlayaal soo bandhigay shaqooyin heer sare ah oo dhinaca saxaafadda iyo sheeko-tebinta dhijitaalka ah (digital storytelling), kuwaas oo diiradda saaraya socdaalka, barakaca qasabka ah, dhaqdhaqaaqa shaqaalaha, isu-socodka xorta ah ee dadka, fursadaha shaqo ee wanaagsan, iyo is-dhexgalka gobolka.

 

Ra'iisul Wasaaraha Uganda, Robinah Nabbanja, oo si rasmi ah u furtay madasha ayaa khudbad ay jeedisay ku sheegtay in gobolka IGAD uu yahay mid ka mid ah marinada ugu mashquulka badan Afrika ee ay dadku ku kala gooshaan.

 

Waxay xustay in muwaadiniintu ay xuduudaha uga tallaabaan si ay u helaan shaqo, waxbarasho, ganacsi, iyo nolol ka wanaagsan. 

 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015