ITOOBIYA OO HORUMAR WEYN KA GAADHAY HELITAANKA ADEEGYADA QALLIINKA IYO DHISMAHA XIRFADLAYAASHA CAAFIMAADKA, TAAS OO KA DHIGAYSA TUSAALAYNTA AFRIKA

Addis Ababa,Gudba,Hidhaar,10,2019 (ENA) Itoobiya ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay, iyada oo adeegsanaysa qorshaha qaran ee qalliinka, horumar la taaban karo ka samaysay ballaadhinta helitaanka adeegyada qalliinka iyo kordhinta tirada xirfadlayaasha caafimaadka, taas oo ka dhigaysa dal tusaale u noqon kara Afrika, sida uu sheegay Wasiiru-Dawlaha Caafimaadka, Muluqen Argaw (Dr.) 

 

Wasiir-ku-xigeenka ayaa hadalkan ka sheegay munaasabadda furitaanka Madasha Afraad ee Qalliinka Pan-Afrika oo maanta ka furantay magaalada Addis Ababa.

 

Madasha oo hal-ku-dheg looga dhigay (Qaab-dhismeedka Qaaradda Afrika ee Waxqabadka Daryeelka Caafimaadka Qalliinka) ayaa socon doonta muddo saddex maalmood ah, laga bilaabo 10-ka ilaa 12-ka bisha Hidar 2019.

 

Ugu horeyn Wasiiru-Dawlaha wasarada caafimaadka Muluqen Argaw (Dr.) oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in guulaha ay Itoobiya ka gaadhay gaadhsiinta adeegyada qalliinka bulshada ay yihiin waayo-aragnimo tusaale u noqon karta dalalka kale ee Afrika.

 

Waxa uu xusay in saamiga xarumaha caafimaadka ee bixiya adeegyada aasaasiga ah ee qalliinku uu ka kordhay 44% una kacay 78%.

 

Sidoo kale, waxa uu sheegay in tirada dhakhaatiirta qalliinka, suuxinta iyo cudurrada haweenka marka loo eego 100,000 oo qof ay ka korodhay 0.35 una gaadhay 5.9.

 

Waxa kale oo uu tilmaamay in celceliska muddada ay bukaannadu sugayaan adeegyada qalliinka ay toban maalmood hoos u dhacday, isla markaana xogta adeegyada qalliinka lagu daray nidaamka qaran ee xogta caafimaadka, taas oo suurtagelisay in si habboon loola socdo adeegyada.

 

Waxa uu intaa ku daray in qorshaha cusub ee qaranka ee la fulin doono muddada u dhexaysa 2026 ilaa 2030, lagu sii xoojin doono guulaha la gaadhay, korna loogu qaadi doono tayada adeegyada iyo tirada xirfadlayaasha caafimaadka, iyadoo sidoo kale lagu dadaalayo in xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay lagu daro nidaamka xogta caafimaadka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015