QABRIBAYAX OO LAGU SOO BANDHIGAY HORUMARKA ISDHEXGALKA BULSHADA DEEGAANKA IYO QAXOOTIGA

Waxaa Magaalada Qabribayax lagu qabtay kulan lagu soo bandhigayey isdhexgalka bulshada deegaanka iyo dadka qaxootiga ah, iyo horumarka laga sameeyey dhinacyada adeegyada bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha.

 

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin heer federaal iyo heer deegaan ah, wakiillo ka socday shirkadaha Ethio Telecom iyo Safaricom, qaar ka mid ah madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay, hoggaamiyeyaasha shirkadaha ganacsiga gaarka loo leeyahay ee caalamiga ah iyo 52 shirkadood oo kale, kuwaas oo ay wehelinayeen maareeyayaashooda guud.

 

Intii uu kulanku socday, waxaa la soo bandhigay adeegyada kala duwan ee la gaadhsiiyey bulshada qaxootiga ah iyo dadka deegaanka. Sidoo kale, waftigu waxay kormeer ku soo mareen mashaariicda ganacsiga iyo guryaha loo dhisayo dadka deegaanka iyo bulshada qaxootiga ah ee ku dhaqan Magaalada Qabribayax.

 

XIGASHO :- SRTV SOMALI

Wakaalada Warka Itoobiya
2015