WAFTI CAALAMI AH JIGJIGA OO BOOQDAY - ENA Af-Soomaali
WAFTI CAALAMI AH JIGJIGA OO BOOQDAY
Waxaa Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiil-Waal ee magaalada Jigjiga lagu soo dhaweeyay wafdi heer sare ah oo isugu jira madax heer federaal ah, qaar ka mid ah madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay (UN) iyo hoggaamiyeyaasha shirkadaha ganacsiga gaarka loo leeyahay (Private Sector) ee heer caalami.
Waftiga ayaa ka kooban masuuliyiin ka socda shirkadaha caalamiga ah ee Mastercard Foundation, Safaricom, Ethio Telecom iyo 52 shirkadood oo kale, kuwaas oo ay wehelinayaan maareeyayaashooda guud.
Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Addis Ababa laga furay Madasha Afraad ee Afrika ee Barakaca (Africa Forum for Displacement 2026), oo soconaysa 16-ka ilaa 18-ka November 2026.
Hoggaamiyeyaasha ka qaybgalaya madashaasi caalamiga ah ayaana safar shaqo ku yimi magaalada Jigjiga, halkaas oo ay u kuur-gelayaan horumarka ka socda deegaanka, gaar ahaan dhinacyada la xidhiidha isdhexgalka qaxootiga iyo bulshada deegaanka ee Qabribayax.
XIGASHO :- SRTV SOMALI