BAYAANKA WADAJIRKA AH EE LAGU ANSIXIYAY SHIR-MADAXEEDKA BRICS OO MUUJINAYA SINNAANTA IYO MIDNIMADA DALALKA XUBNAHA KA AH URURKA - ENA Af-Soomaali
BAYAANKA WADAJIRKA AH EE LAGU ANSIXIYAY SHIR-MADAXEEDKA BRICS OO MUUJINAYA SINNAANTA IYO MIDNIMADA DALALKA XUBNAHA KA AH URURKA
Addis Ababa,Gudba,Hidhaar,7,2019 (ENA) Bayaanka wadajirka ah ee lagu ansixiyay shir-madaxeedkii 18-aad ee BRICS, kaas oo ka dhacay magaalada New Delhi ee dalka Hindiya, ayaa muujinaya sinnaanta iyo midnimada ka dhexaysa dalalka xubnaha ka ah ururka, sida uu sheegay Danjire Minilik Alemu, La-taliyaha Gaarka ah ee Siyaasadda ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya.
Magaalada Addis Ababa ayaa lagu qabtay madal wadatashi ah oo lagaga arrinsanayay natiijooyinka shir-madaxeedka BRICS iyo saamaynta ay ku leeyihiin dalalka Koonfurta Caalamka (Global South).
Madasha wadatashiga ah waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Machadka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya iyo Safaaradda Malaysia ee Itoobiya, iyadoo halkudhigga madashu ahaa (U socdaalidda qaab-dhismeedka BRICS; natiijooyinka shir-madaxeedka BRICS iyo saamaynta ay ku leeyihiin Koonfurta Caalamka (Global South).
Madasha ayaa lagu qabtay Hotelka Sheraton Addis.