ITOOBIYA IYO KANADA OO KU HESHIIYEY INAY ISKA KAASHADAAN XAQIIJINTA GUUSHA SHIRKA COP32 - ENA Af-Soomaali
ITOOBIYA IYO KANADA OO KU HESHIIYEY INAY ISKA KAASHADAAN XAQIIJINTA GUUSHA SHIRKA COP32
Addis Ababa,Gudba,Hidhaar,5,2019 (ENA) Itoobiya iyo Kanada ayaa shaaciyey inay si wadajir ah uga shaqayn doonaan xaqiijinta guusha shirka COP32.
Shirka 31-aad ee Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (COP31) ayaa haatan socda.
Wasiirka Maaliyadda ahna madaxa wadaxaajoodka COP32 Fitsum Assefa Dr ayaa kulanka wada xajood ah shirka COP31 dhinac socday la yeelatay Wasiirka Deegaanka, Isbeddelka Cimilada iyo Ilaalinta Dabeecadda ee Kanada Julie Dhabrusin.
Wada xajood kan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada dal ee dhinaca wax ka qabashada isbeddelka cimilada.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada xajooday sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ku aaddan wax ka qabashada caqabadaha isbeddelka cimilada, kor u qaadista awoodda u adkaysiga saameyntiisa iyo xaqiijinta horumar waara, iyagoo mudnaan siinaya arrimaha ay labada dal danaha ka wadaagaan.
Intaa waxaa dheer, wada. Xajoodku wuxuu mar kale xaqiijiyey sida ay labada dal uga go’an tahay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan xaqiijinta himilada Itoobiya ee shirka COP32.
#COP31 #COP32 #ClimateAction