MADASHA OO U TAAGAN IN BEESHA CAALAMKA LOO SHARRAXO RABITAANKA ITOOBIYA EE MARIN-BADEEDKA

Addis Ababa,Gudba,Hidhaar,3,2019 (ENA) Madasha Istaraatiijiga ah ee Webiga Niil iyo Badda Cas, oo dhowaan heshay aqoonsi sharciyeed, ayaa sheegtay in loo aasaasay sidii beesha caalamka loogu sharraxi lahaa baahida istaraatiijiga ah ee Itoobiya u qabto marin-badeed, taas oo ay ku tilmaantay arrin la xiriirta jiritaanka qaranka, isla markaana lagu abuuri lahaa saamayn dhinaca siyaasadaha ah.

 

Agaasimaha Fulinta ee madasha, Solomoon Tefera, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in hay'addu ka shaqayn doonto ilaalinta danaha qaranka Itoobiya, iyada oo adeegsanaysa diblomaasiyadda, cilmi-baarista iyo qaab-dhismeedyada sharciyeed.

 

Sidoo kale, madashu waxay ka shaqayn doontaa wacyigelinta bulshada gudaha iyo beesha caalamka, iyada oo adeegsanaysa xog taariikheed, sharciyeed iyo dhaqaale, si ay u sharraxdo saamaynta dhinacyada badan leh ee ka dhalata in Itoobiya aanay lahayn marin-badeed, iyo sidoo kale faa'iidooyinka kala duwan ee uu Webiga Niil u leeyahay gobolka.

 

Waxaa sidoo kale la sheegay in madashu qabanqaabin doonto kulamo wacyigelin ah oo ka dhaca xarumaha waxbarashada iyo shirar cilmi-baariseed oo heer goboleed ah, si si nabadeed loo xaqiijiyo danaha Itoobiya ee marin-badeedka, loona xoojiyo xiriirka iyo isdhexgalka shucuubta.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015