WASIIRKA MAALIYADDA DALKA OO WADA-XAJOOD LABA GEESOOD AH LA YEELATAY AGAASIMAHA GUUD EE BANGIGA ADDUUNKA

Addis Ababa,Gudba, Hidhaar,3,2019 (ENA): Wasiirka Maaliyadda dalka ahna Madaxa Wadaxaajoodka COP32, Fitsum Assefa (Dr.), ayaa kulan wada-xajood oo laba geesood ah la yeelatay Agaasimaha Guud ee Kooxda Bangiga Adduunka ahna Madaxa Sare ee Aqoonta (Chief Knowledge Officer).

 

Kulankankan oo barbar socday shirka COP31 ee ka socda magaalada Antalya ee dalka Turkiga, Wasiirka Maaliyadda Itoobiya ahna Madaxa Wadaxaajoodka COP32, Fitsum Assefa (Dr.), ayaa kulan laba geesood ah la yeelatay Agaasimaha Guud ee Kooxda Bangiga Adduunka ahna Madaxa Sare ee Aqoonta.

 

Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac ee la xiriira diyaar-garowga COP32. Sidoo kale, waxay fikrado ka is-weydaarsadeen arrimaha la xiriira gaadiidka korontada ku shaqeeya (E-Mobility), maalgelinta cimilada, hirgelinta tallaabooyinka wax looga qabanayo isbeddelka cimilada iyo arrimaha la xiriira kaarboon-kireedyada (Carbon Credits).

 

#COP31 #COP32 #ClimateAction

Wakaalada Warka Itoobiya
2015