WASIIRK QORSHEYNTA ISTARAATIIJIYADDA OO WADA-XAJOOD LA YEESHAY AGAASIMAHA GUUD EE ISKAASHIGA NDC - ENA Af-Soomaali
WASIIRK QORSHEYNTA ISTARAATIIJIYADDA OO WADA-XAJOOD LA YEESHAY AGAASIMAHA GUUD EE ISKAASHIGA NDC
Addisabab,Gudba, Hidhaar,3,2019 (ENA) Wasiirka Istaraatiijiyadda Qaranka ee Itoobiya, Bereket Fisseha Tsion, ayaa kulan laba geesood ah kula yeeshay Agaasimaha Guud ee Iskaashiga NDC (NDC Partnership), Dr. Pablo A. Vieira, gudaha xarunta bandhigga Itoobiya (Ethiopia Pavilion), intii uu socday shirka 31-aad ee Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (COP31), kaas oo ka socda magaalada Antalya ee dalka Turkiga.
Wada-hadalku wuxuu ujeeddadiisu ahayd xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee la xiriira diyaar-garowga shirka 32-aad ee Isbeddelka Cimilada (COP32), kaas oo Itoobiya martigelin doonto bisha Nofeembar 2027.
Wasiirku wuxuu muujiyey sida uu u bogaadinayo taageerada muddada dheer ee Itoobiya ka helaysay hay'adda tan iyo sannadkii 2009, kaddib markii ay xubin ka noqotay.
Taageeradaas ayaa si gaar ah uga qayb qaadatay diyaarinta iyo hirgelinta dukumentiyada Qorshaha Qaran ee Wax-ka-qabashada Isbeddelka Cimilada (NDCs) iyo Istaraatiijiyadda Horumarinta Qiiqa Kaarboonka Hoose ee Muddada Dheer (LT-LEDS), maamulka arrimaha cimilada, dhismaha awoodda hay'adaha, nidaamka hufnaanta iyo qaybaha tamarta nadiifka ah.
Wada-hadallada labada dhinac ayaa sidoo kale lagu muujiyey muhiimadda sare u qaadista iskaashiga istaraatiijiga ah, gaar ahaan hirgelinta Qorshaha NDC 3.0 ee Itoobiya, maalgelinta cimilada iyo abaabulka maalgashiga, horumarinta suuqa kaarboonka, xoojinta awoodda u-adkaysiga isbeddelka cimilada iyo dhismaha awoodda hay'adaha.
Dhankiisa, Dr. Pablo A. Vieira ayaa xaqiijiyey sida ay uga go'an tahay hay'addiisa xoojinta iskaashiga muddada dheer ee ay la leedahay Itoobiya iyo kordhinta taageerada diyaar-garowga shirka COP32.