ITOOBIYA OO XAQIIJISAY SIDA AY UGA GO’AN TAHAY XOOJINTA DADAALLADA CAALAMIGA AH EE ilaalinta dhirta Iyo WAX KA QABASHADA ISBEDDELKA CIMILADA

Addis Ababa,Gudba,Hidhaar,3,2019 (ENA) Wasiirka Istaraatiijiyadda Qaranka, Bereket Fisseha Tsion, ayaa sheegay in Itoobiya ay ka go’an tahay, isla markaana diyaar u tahay, xoojinta dadaallada caalamiga ah ee ilaalinta dhirta iyo wax ka qabashada isbeddelka cimilada.

 

Shirweynaha 31-aad ee Isbeddelka Cimilada ee Qaramada Midoobay (COP31) ayaa ka socda magaalada Antalya ee dalka Turkiga, iyadoo halku-dhiggiisu yahay "Safar ku wajahan mustaqbal waara, adkaysi leh, oo caddaaladdu ka jirto. 

    

Itoobiya ayaa ka qaybgashay madal ka mid ahayd kulammada hordhaca ah ee hoggaamiyeyaasha COP31, taas oo looga hadlayay doorka kaymaha ee la qabsiga iyo u adkaysiga isbeddelka cimilada, iyadoo mar kale dalku xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay xoojinta dadaallada caalamiga ah ee dhinacyadan.

 

Wasiirka Istaraatiijiyadda Qaranka, Bereket Fisseha Tsion, oo madasha ka hadlay, ayaa soo bandhigay isbeddellada la taaban karo ee laga gaaray barnaamijka Dhaxal-Reebka Cagaaran, kaas oo la hirgeliyey tan iyo sannadkii 2011-kii, laguna beeray in ka badan 56 bilyan oo geed.

 

Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee kaymaha ku leeyihiin adkaynta la tacaalidda isbeddelka cimilada, ilaalinta kala-duwanaanshaha noolaha, xaqiijinta ilaha nololeed ee waara iyo abuurista fursado shaqo oo ku salaysan dhaqaalaha cagaaran.

 

Itoobiya oo martigelin doonta shirka COP32 ee soo socda ayaa ku baaqday xoojinta iskaashiga caalamiga ah, maalgashiga iyo waxqabadka wadajirka ah, si loo dardargeliyo dib-u-soo-celinta dhulalka kaymaha xaalufay, loona gaaro yoolka caalamiga ah ee ah in la joojiyo xaalufinta kaymaha, isla markaana dib loo soo celiyo dhulalka kaymaha sii dabar go’aya marka la gaaro sannadka 2030-ka.

 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015