ITOOBIYA IYO BANGIGA MAALGASHIGA KAABEYAASHA DHAQAALAHA AASIYA OO WADA-XAJOOD LABA GEESOOD AH YEESHAY

Addis Ababa,Gudba,Hidhaar,2,2019 (ENA) Itoobiya iyo Bangiga Maalgashiga Kaabeyaasha Dhaqaalaha Aasiya (AIIB) ayaa yeeshay wadahadal laba geesood ah oo ujeeddadiisu tahay sii wadidda hawlaha iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada dhinac.

 

Shirka 31-aad ee Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (COP31) ayaa ka socda magaalada Antalya ee dalka Turkiga.

 

Hal-ku-dhegga shirka ayaa ah: “U gudbidda mustaqbal waara, adkaysi leh oo caddaaladdu ka hirgashay.”

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ahna Madaxweynaha la doortay ee COP32, Gedion Timothewos (Dr.), iyo Wasiirka Maaliyadda ahna Madaxa Wadaxaajoodka COP32, Fitsum Assefa (Dr.), ayaa kulanka ka dhacay dhinacyada shirka kula yeeshay Madaxweynaha Bangiga Maalgashiga Kaabeyaasha Dhaqaalaha Aasiya (AIIB), Zou Jiayi, wadahadal laba geesood ah.

 

Wadahadalka ayaa ujeeddadiisu ahayd sii wadidda hawlaha iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada dhinac.

 

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sii wadidda wadahadalladii hore ee ku saabsanaa maalgelinta dhismaha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Bishoftu oo hore loo bilaabay, xoojinta wada-shaqayn muddo dheer ah iyo qaabaynta mashaariic kale.

 

Sidoo kale, waxay ka wada hadleen qaababka uu bangigu ku taageeri karo shirka COP32 oo Itoobiya martigelin doonto.

 

#COP31 #COP32Ethiopia #LandOfOrigins

Wakaalada Warka Itoobiya
2015