FARRIINTA DUQA MAGAALADA ADDIS ABABA ADANECH ABEBE - ENA Af-Soomaali
FARRIINTA DUQA MAGAALADA ADDIS ABABA ADANECH ABEBE
Maanta, anaga oo ka faa’iidaysanayna madasha COP31, waxaan kulan wadahadal oo miro-dhal ah la yeelannay Kate Hampton, Madaxa Fulinta ee Hay’adda Sanduuqa Maalgelinta Carruurta (Children’s Investment Fund Foundation – CIFF).
Madaxa Fulinta Kate Hampton waxaan kala hadalnay fursadaha iskaashi ee ay Itoobiya yeelan karto iyadoo ah dalka martigelinaya shirka COP32, iyo sidoo kale xoojinta iskaashiga dhinacyada maaraynta iyo ka faa’iidaysiga qashinka, barnaamijka Dhaxal-Sugaha Cagaaran, la tacaalidda isbeddelka cimilada iyo iskaashiga magaalooyinka.
Waxaan si buuxda uga go’an tahay in iskaashigeenna loo beddelo natiijooyin la taaban karo, si loo xaqiijiyo horumar magaalo oo waara, cagaaran, isla markaana loo dhan yahay, loona dhiso magaalo ka wanaagsan oo waarta, una adeegta jiilka maanta iyo kuwa mustaqbalka.