ITOOBIYA OO XAQIIJISAY SIDA AY UGA GO’AN TAHAY QABSOOMIDDA SHIR COP32

Addisabab,Gudba,Hidhaar,2, 2019 (ENA) Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, ahna Madaxweynaha la doortay ee shirka COP32, Dr. Gedion Timothewos, ayaa lagu casuumay inuu khudbad ka jeediyo shir ay yeesheen madaxda wafdiyada dalalka xubnaha ka ah Kooxda Carabta ee hoos timaadda Heshiiska Qaab-dhismeedka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (UNFCCC).

 

Intii uu shirku socday, xubnaha Kooxda Carabta ayaa muujiyey kalsoonida ay ku qabaan hoggaanka Itoobiya iyo hoggaaminta Madaxweynaha la doortay ee COP32 ee geeddi-socodka shirka. Waxay sidoo kale muujiyeen xiriirka soo jireenka ah ee xooggan ee ka dhexeeya Itoobiya iyo dalalka xubnaha ka ah Kooxda Carabta.

 

Dhankiisa, Madaxweynaha la doortay ee COP32 ayaa kooxda u xaqiijiyey sida ay Itoobiya uga go’an tahay, uguna diyaarsan tahay, inay si dhow ula shaqayso dhammaan dhinacyada ku bahoobay heshiiska, si loo xaqiijiyo qabsoomidda shir guuleysta oo COP32 ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015