FARRIINTA RA’IISUL WASAARE ABIY AXMED (DR.) - ENA Af-Soomaali
FARRIINTA RA’IISUL WASAARE ABIY AXMED (DR.)
Waxaan mahadnaq ballaaran u jeedinayaa dowladda iyo shacabka Turkiga soo dhoweyntii diirran ee ay noo sameeyeen, sidoo kale waxaan si weyn ugu mahadcelinayaa Australia oo hoggaaminaysa wadaxaajoodyada.
Tallaabooyinka Itoobiya ee la xiriira isbeddelka cimiladu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah siyaasaddeenna dhaqaale, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay hagaajinta nolol maalmeedka muwaadiniinta, xoojinta awoodda u adkaysiga saameynta isbeddelka cimilada iyo joogteynta guulaha horumarineed ee la gaaray.
Annaga oo ku hagayanna falsafadda Medemer, waxaan barnaamijka Dhaxal-Sugaha Cagaaran (Green Legacy) ku guuleysannay inaan beerno in ka badan 56 bilyan oo geedo ah. Sidoo kale, waxaan si ballaaran u horumarinaynaa tamarta la cusboonaysiin karo, dhismaha magaalooyin waara iyo xalalka la jaanqaadaya isbeddelka cimilada.
Hadda waxaa lagama maarmaan ah inaan ka gudubno ballanqaadyada oo aan u dhaqaaqno tallaabooyin wax-ku-ool ah oo degdeg ah. Tani waa in lagu xaqiijiyaa helitaanka maalgelinta cimilada oo fudud, xoojinta nidaamyada digniinta hore iyo maalgelin ballaaran oo lagu dhisayo awoodda bulshooyinka nugul si ay ula qabsadaan saameynta isbeddelka cimilada.
Marka Itoobiya ay la wareegto madaxtinnimada COP32, waxay mudnaanta koowaad siin doontaa horumarinta arrimahan. Sidoo kale, waxay si dhow oo iskaashi leh ula shaqayn doontaa madaxtinnimada COP31 si loo xaqiijiyo natiijooyin guuleysta.
Waxaan sidoo kale diyaar u nahay inaan dhammaan caalamka ku soo dhoweyno shirka COP32 ee lagu qaban doono Itoobiya, oo ah dal leh taariikh fac weyn iyo dhaxal ilbaxnimo oo qoto dheer.