Ballaarinta maalgashigga cimilada iyo taageeridda Hindiseyaasha kahortegga Isbedelka cimilada waddamada soo koraya ayaa loo baahan yahay – Fitum Assefa (Dr.) - ENA Af-Soomaali
Ballaarinta maalgashigga cimilada iyo taageeridda Hindiseyaasha kahortegga Isbedelka cimilada waddamada soo koraya ayaa loo baahan yahay – Fitum Assefa (Dr.)
Addis Ababa; Gufba 2/2019 (ENA): Wasiirka Maaliyadda iyo Madaxa Wadaxaajoodka COP32 Fitsum Assefa (Dr.) ayaa sheegtay in la sameeyo ballaarinta helitaanka maaliyadda cimilada iyo taageeridda hindiseyaasha kahortegga isbedelka cimilada ee waddamada soo koraya.
Wasiirka Maaliyadda iyo Madaxa Wadaxaajoodka COP32 Fitsum Assefa (Dr.) ayaa farriin ka jeedisay madal lagu soo qabanqaabiyay dhinaca COP31 oo cinwaan looga dhigay "Sanduuqa Cimilada loo dhan yahay : Ka wada shaqeynta helitaanka lagu kalsoon yahay ee maalgashigga iyo saami sinan".
Farriinteeda, waxay ku sheegtay inay lagama maarmaan tahay in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah, la ballaariyo helitaanka maaliyadda cimilada, iyo in la taageero mudnaanta cimilada ee waddamada soo koraya.
Waxa kale ay ku nuuxnuuxsatay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo waxtarka sanduuqyada cimilada ee dhinacyada badan.
#COP31 #COP32 #ClimateMaaliyadda #ClimateAction