Xisbiga Barwaaqo ayaa Qabtay Qiimeynta Waxqabadka Rubuca Sannad miisaaniyeedka

Addis Ababa, Dirir 29/2019 (ENA): Xisbiga Barwaaqo oo Qabtay Madal lagu Dib u Eegis ku Sameeyay Waxqabadka Rubuc-sannadeed ee 2019.

 

Hogaamiyayaasha Sare ee Xarunta Xisbiga Barwaaqo iyo Xafiisyada Laamaha ayaa ka Qaybgalay Madasha.

 

Warbixinta Waxqabadka Qorshaha Shaqada ee Rubuc-sannadeed ee 2019 waxaa soo bandhigay Madaxa Waaxda Arrimaha Istaraatiijiyadda ee Xisbiga Barwaaqo, Dr. Dhereje Dhuguma, waxaana la qabtay dood ballaaran.

 

Dooddu waxay sidoo kale dib u eegis ku samaysay natiijooyinka laga diiwaan geliyay Rubuc-sannadeedka, caqabadaha la kulmay, iyo tilmaamaha shaqada ee u baahan fiiro gaar ah.

 

Madashu waxay aqoonsatay oo qiimaysay awoodaha iyo daciifnimada waxqabadka shaqada.

 

Intaa waxaa dheer, waxaa xoogga la saaray xoojinta khibradaha la helay, sixitaanka farqiga waxqabadka, iyo tilmaamaha u sahlaya shaqada mustaqbalka in si wax ku ool ah loo qabto.

 

Xogtaaan ka helnay xisbiga ayaa tilmaamaya in Mudane Aaden Farax,Madaxweyne ku xigeenka iyo Madaxa Xisbiga Barwaaqada, uu bixiyay tilmaamo ku saabsan arrimaha u baahan in wax laga qabto si loo xoojiyo waxqabadka mustaqbalka ee xisbiga.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015