FIKIRKADA WADAJIRKA (MEDEMER) OO DOOR WEYN KA QAADANAYA XOOJINTA WALAALTINIMADA IYO ISKAASHIGA AFRIKAANKA

Addis Ababa,Dirirtiq,28,2019(ENA) Mas’uulka Waaxda Siyaasadda iyo Xiriirka Dadweynaha ee Xisbiga Barwaaqo (Prosperity Party), Dr. Bikila Hurisa, ayaa sheegay in fikirka Medemer uu door weyn ka qaadanayo xoojinta midnimada iyo iskaashiga dalalka Afrika, iyo horumarinta walaaltinimada shucuubta qaaradda.

 

Shirweynaha labaad ee Xisbiyada Siyaasadeed ee Afrika ayaa ka socda Xarunta Xusuusta Guushii Adhwa, iyadoo halku-dhiggiisu yahay (Hoggaaminta kobaca, Xisbiyada siyaasadeed oo ah naqshadeeyayaasha mustaqbalka dhaqaalaha Afrika). 

 

Furitaanka shirweynaha waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha dalka Abiy Ahmed (Dr.), hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadeed ee dalal badan oo Afrikaan ah, mas’uuliyiin sare oo dowladda ka tirsan iyo marti sharaf kale.

 

Mas’uulka Waaxda Siyaasadda iyo Xiriirka Dadweynaha ee Xisbiga Barwaaqo (Prosperity Party) Bikila Hurisa (Dr.) oo la hadlay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) ayaa sheegay in fikirka Medemer, oo uu hindisay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ay natiijooyin laga keenay dhinacyo kala duwan.

 

Wuxuu xusay in fikirka wadajirk (Medemer) aanu ku koobnayn Itoobiya oo keliya, balse uu sidoo kale natiijooyin muhiim ah ka keeni karto guud ahaan Afrika, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay hirgelinta fikrado wax ka beddeli kara nolosha muwaadiniinta Afrika.

 

Wuxuu sidoo kale sheegay in xisbiyada siyaasadeed ee codadka aqlabiyadda ku hela doorashooyinka Afrika laga doonayo inay si hagar la’aan ah uga shaqeeyaan wax ka beddelka nolosha shucuubta ay matalaan.

 

Waxaa shirweynaha lagu soo bandhigay isbeddellada ka dhashay hirgelinta fikirka Medemer ee Itoobiya, iyadoo dalal Afrikaan ah ay khibrad ka baranayaan waayo-aragnimada dalka.

 

Waxa uu Bikiila Hurisa (Dr.) ayaa intaa ku daray in fikirka wadajirk (Medemer) uu door weyn ka qaadan karo xoojinta midnimada, iskaashiga iyo xiriirka dadweynaha ee dalalka Afrika.

 

Wuxuu sidoo kale xusay in Itoobiya ay muddooyinkii u dambeeyay martigelisay shirar caalami ah oo badan, isagoo sheegay in in ka badan 250 shirar caalami ah lagu qabtay dalka, taas oo muujinaysa doorka Itoobiya ee martigelinta shirarka iyo dadaallada nabadda.

 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015