NIDAAMKA WAX IIBSIGA ELEKTAROONIGGA AH EE DOWLADDA AYAA SUURAGELINAYA IN SI HUFAN LOO MAAREEYO HANTIDA SHACABKA IYO TAN QARANKA - ENA Af-Soomaali
NIDAAMKA WAX IIBSIGA ELEKTAROONIGGA AH EE DOWLADDA AYAA SUURAGELINAYA IN SI HUFAN LOO MAAREEYO HANTIDA SHACABKA IYO TAN QARANKA
Addis Ababa,Dirir,28,2019 (ENA) Nidaamka wax iibsiga elektaroonigga ah ee dowladda (e-GP) ayaa suuragelinaya in si hufan loo maareeyo hantida shacabka iyo tan qaranka, sida ay sheegtay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Wax iibsiga iyo Maareynta Hantida Dowladda Federaalka Meseret Mesqele.
Hay’adda Wax iibsiga iyo Maareynta Hantida Dowladda ayaa magaalada Bishoftu ku qabatay kulan wacyigelin ah oo ku saabsan wax-ka-beddelka lagu sameeyay sharciga wax iibsiga iyo maareynta hantida dowladda, habraacyada shaqo iyo nidaamyada dijitaalka ah.
Kulanka ayaa sidoo kale ujeeddadiisu tahay kor u qaadista hufnaanta wax iibsiga iyo maareynta hantida, hirgelinta nidaam shaqo oo daahfuran oo isla xisaabtan leh, is-weydaarsiga khibradaha iyo dejinta qorshaha wada-shaqaynta mustaqbalka.
Agaasimaha Guud ee hay’adda, Meseret Meskele, ayaa sheegtay in hay’addu casriyeysay nidaamka wax iibsiga iyadoo u beddeshay mid dijitaal ah, isla markaana hirgelisay hannaan shaqo oo aan u baahnayn taabasho iyo faragelin toos ah.
Waxay tilmaantay in si loo xaqiijiyo himilada qaranka ee dhinacyada wax iibsiga iyo maareynta hantida, loo baahan yahay in la mideeyo awoodda, aqoonta iyo waayo-aragnimada hay’adaha, iyadoo laga duulayo fikirka Medemer.
Waxay intaas ku dartay in nidaamka dhaqaalaha dijitaalka ah ee ku dhisan fikirka Medemer uu suurageliyey hirgelinta nidaamka wax iibsiga elektaroonigga ah ee hay’adaha dowladda federaalka.
Waxay sidoo kale xustay in wax iibsiga dowladdu yahay aalad istaraatiiji ah oo muhiim u ah ka faa’iidaysiga hantida qaranka iyo shacabka, xaqiijinta yoolalka horumarineed iyo tayeynta adeegyada bulshada.
Agaasimaha Guud ayaa sheegtay in nidaamka wax iibsiga elektaroonigga ah (e-GP) laga ballaariyey hay’adaha dowladda federaalka, lana gaarsiiyey dowlad-goboleedyada iyo maamullada magaalooyinka.
Waxay intaas ku dartay in la xoojinayo awoodda hay’adaha, si loo helo hannaan sharciyeed la jaanqaadaysa Deegaanada iyo maamullada magaalooyinka, loona kordhiyo waxtarka adeegyada dijitaalka ah.