FIKIRKADA WADAJIRKA (MEDHEMER) OO XOOJINAYA CADDAALADDA BULSHADA IYO KA FAA’IIDAYSIGA MUWAADINIINTA :- WASIIR SHEWIT SHANKA - ENA Af-Soomaali
FIKIRKADA WADAJIRKA (MEDHEMER) OO XOOJINAYA CADDAALADDA BULSHADA IYO KA FAA’IIDAYSIGA MUWAADINIINTA :- WASIIR SHEWIT SHANKA
Addis Ababa,Dirir,Tiqimti,28,2019 (ENA) Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Bulshada, Shewit Shanka, ayaa sheegtay in fikirka Medemer uu xaqiijinayo ka faa’iidaysiga muwaadiniinta, isaga oo abuuraya jawi dhaqaale-siyaasadeed loo dhan yahay oo ay ka jirto caddaalad bulsho.
Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Bulshada ayaa qabatay shir lagu qiimaynayo waxqabadka shanta sano ee waaxda intii u dhaxaysay 2014–2018, waxqabadka rubucii koowaad ee sannad-miisaaniyadeedka 2019, iyo dejinta qorshaha shanta sano ee soo socota.
Wasiir Shewit Shanka ayaa sheegtay in sannadihii la soo dhaafay la fuliyey hawlo horumarineed oo wax ku ool ah, kuwaas oo isbeddel muuqda ku keenay nolosha muwaadiniinta.
Waxay xustay in guulaha laga gaaray horumarinta ku salaysan baahiyaha dadka ay si gaar ah diiradda u saareen haweenka, dhallinyarada, carruurta, dadka naafada ah, waayeelka iyo qaybaha kale ee bulshada ee nugul.
Waxay intaas ku dartay in guulahaasi ay horseedeen xoojinta caddaaladda bulshada iyo xaqiijinta in dhammaan qaybaha bulshada ay si siman uga faa’iidaystaan horumarka dalka.
Waxay sidoo kale tilmaantay in fikirka Medemer uu abuurayo jawi dhaqaale-siyaasadeed loo dhan yahay oo ay ka hirgashay caddaalad bulsho, taas oo xaqiijinaysa ka faa’iidaysiga muwaadiniinta.
Wasiirku waxay sharraxday in qorshaha istaraatiijiyadeed ee shanta sano ee soo socota lagu saleeyey guulihii laga gaaray xilligii dowladdi Medemer.
Shirka oo soconaya laba maalmood ayaa ujeeddadiisu tahay ururinta talooyinka iyo fikradaha wax-ku-oolka ah, iyo in la abuuro is-afgarad ku saabsan qorshaha istaraatiijiyadeed