WAXAA SOCDA MUNAASABADDA FURITAANKA XARUNTA HEER-SARE EE WARBAAHINTA ITOOBIYA

Addis Ababa,Dirir,Tiqimti, 26,2019 (ENA) Waxaa magaalada Addis Ababa ka socota munaasabadda furitaanka Xarunta Heer-sare ee Warbaahinta Itoobiya, oo ay dhistay Hay’adda Warbaahinta Itoobiya.

 

Munaasabadda waxaa ka qaybgalaya Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka, ahna Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Hay’adda Warbaahinta Itoobiya, Danjire Redwan Hussein, xubno ka tirsan Golaha Wakiillada Shacabka, hoggaamiyeyaasha warbaahinta kala duwan iyo marti-sharaf kale.

 

Xarunta ayaa ujeeddadeedu tahay xoojinta awoodda saxaafadda iyo guud ahaan bahda warbaahinta, iyadoo mudnaan siinaysa horumarinta aqoonta, xirfadaha iyo anshaxa suxufiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha warbaahinta.

 

Sidoo kale, xaruntu waxay ka shaqayn doontaa taageeridda waaxda warbaahinta dhinacyada cilmi-baarista iyo tababarrada, iyo fududaynta helitaanka tababarrada kor u qaadaya adeegsiga tiknoolajiyadda warbaahinta.

 

Ugu dambayn Martidii ka qaybgalaysay munaasabadda ayaa sidoo kale booqasho ku soo kala bixisay xarunta.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015