Guusha Himilooyinka Qaaradda Afrika ee Waara – Doorka Go’aan-qaadasho Siyaasadeed oo Adag

Shirka Labaad ee Xisbiyada Siyaasadeed ee Afrika (African Political Parties Summit) ayaa maanta ka bilaabanaya magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, waxaana uu socon doonaa muddo saddex maalmood ah.

 

Shirka waxaa ka qaybgalaya hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadeed ee dalalka Afrika, dejiyeyaasha siyaasadaha, wakiillada hay’adaha dowladda, ururrada bulshada rayidka ah, hoggaamiyeyaasha dhallinyarada iyo haweenka, iyo sidoo kale saaxiibbada horumarinta.

 

hal-ku-dhegga Shirka ayaa ah: “Hoggaaminta Horumarka: Doorka Xisbiyada Siyaasadeed ee Qaabaynta Mustaqbalka Dhaqaale ee Afrika.”

 

Madashan ayaa ujeeddadeedu tahay in lagu falanqeeyo doorka hoggaanka siyaasadeed iyo xisbiyada siyaasadeed ay ku leeyihiin isbeddelka dhaqaale ee Afrika, maamul-wanaagga iyo horumar waara.

 

Shirka ayaa maanta ku bilaabanaya barnaamijyo hordhac ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Shirweynaha Hoggaanka Haweenka Afrika iyo Madasha Dhallinyarada iyo Siyaasadda Afrika.

 

Waxaa la filayaa in madalahaasi ay fursad u abuuraan haweenka iyo dhallinyarada si ay fikradaha uga wadaagaan ka-qaybgalka siyaasadda, hoggaaminta iyo ajandaha horumarinta qaaradda Afrika.

 

Inta uu shirku socdo, waxaa si gaar ah diiradda loo saari doonaa doorka xisbiyada siyaasadeed ee dhismaha dhaqaale guuleysta, maamulka maaliyadda dowladda, shaqo-abuurka dhallinyarada, iskaashiga ganacsiga gaarka loo leeyahay, la qabsiga isbeddelka cimilada, horumarinta cagaaran iyo warshadaynta.

 

Waxaa la filayaa in Itoobiya ay door muuqda ka qaadato doodaha iyo falanqaynta shirka.

 

Dhammaadka shirka, waxaa la filayaa in xisbiyada siyaasadeed ee Afrika ay ku heshiiyaan mabaadi’da guud ee qeexaya doorkooda ku aaddan horumarinta qaaradda, isla markaana ay muujiyaan go’aan-qaadasho iyo ballanqaadyo wax-ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo himilooyinkaas

Wakaalada Warka Itoobiya
2015