Wasiirka Arrimaha Dibadda Gedhiyoon Timotiyoos (Dr.) oo la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Arrimaha Afrika

Addis Ababa; Dirir 25 /2019 (ENA): Wasiirka Arrimaha Dibadda Gedhoyoon Timotiyoos (Dr.) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Arrimaha Afrika Liu Xianfan, waxayna ka wada hadleen nabadda iyo amniga Afrika.

 

Wasiirku wuxuu Ergeyga Gaarka ah uga warbixiyay xaaladda nabadda iyo amniga ee hadda ka jirta Geeska Afrika, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

 

Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Arrimaha Afrika Liu Xianfan, ayaa dhankiisa muujiyay sida dalkiisu uga go'an yahay inuu door wax ku ool ah ka ciyaaro nabadda iyo amniga Afrika.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015