Wasaaradda Ganacsiga iyo Iskaashiga Gobolka ayaa Saxiixday Heshiis lagu Taageerayo Hirgelinta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika iyo Dhismaha Xarunta Iskaashiga Gobolka Afrika

Addis Ababa; Dirir 24 /2019 (ENA): Wasaaradda Ganacsiga iyo Iskaashiga Gobolka ayaa heshiis la saxiixatay laba hay'adood si ay u taageeraan hirgelinta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika iyo dhisidda Xarun Iskaashiga Gobolka Afrika.

 

Wasaaraddu waxay heshiiska la saxiixatay Jaamacadda Addis Ababa iyo Expertise France, oo ah urur horumarineed.

 

Wasiirka Ganacsiga iyo Iskaashiga Gobolka Yasmiin Wahabrebi, oo faahfaahin ka bixisay heshiiska, ayaa tiri; Heshiiska lala saxiixday Expertise France wuxuu higsanayaa inuu fududeeyo hirgelinta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika.

 

#somali

Wakaalada Warka Itoobiya
2015