Kulankii koobaad ee S.M 2019-ka T.I ee Iskaashiga Sektarka Horumarinta Jidadka Xisbiga Barwaaqo oo uu soo agaasimay Xafiiska Jidadka DDS ayaa lagu qabtay magaalada Jigjiga.

Shirkan oo ay ka qaybgaleen masuuliyiinta sare Xafiiska Jidadka DDS, xubno ka socda Xafiiska Xisbiga Barwaaqo laantiisa Deegaanka Soomaalida iyo dhamaan shaqaalaha Xafiiska Jidadka DDS ayaa diiradda lagu saarayay soojeedinta warbixinta waxqabadka S.M 2018-kii T.I iyo rubuca 1aad S.M 2019-ka, dib u eegista qorshayaasha shaqo iyo xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya qaab dhismeedyada kala duwan ee sektarka.

 

Wasiirka Xafiiska Jidadka DDS, Mudane Idriis Muuse Cabdi, oo furay shirka ayaa xubnaha ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga, isku duubnida iyo xilkasnimada shaqo, isagoo intaa ku daray in la sii laba jibaaro dadaallada shaqo, isla markaana la sii xoojiyo ka go'naanshaha loo hayo horumarinta adeegyada bulshada.

 

Shirka ayaa sidoo kale, intii uu socday, lagu falanqeeyay waxqabadka qaab dhismeedyada, qoysaska iyo iskaashiga, ansixinta qorshaha iyo warbixinta rubuca koowaad, iyada oo ugu dambayntii shahaado sharaf iyo abaalmarinno kala duwan la gudoonsiiyay xubnaha hormuudka ka ah shaqaalaha Xafiiska Jidadka DDS.

 

Shirkan ayaa qeyb ka ah kulamada sannadlaha ah ee lagu falanqeeyo jihada shaqo, isla xisaabtanka iyo qorshayaasha mustaqbalka ee sektarka horumarinta jidadka ee Xisbiga Barwaaqo.

 

XIGASHO :- SRTV SOMALI

Wakaalada Warka Itoobiya
2015