ITOOBIYA IYO SHIINAHA OO KU HESHIIYEY XOOJINTA ISKAASHIGOODA CIIDANKA EE DHINACYADA KALA DUWAN

Addis Ababa, Dirir, Tiqimti,24, 2019 (ENA) Dowladda Itoobiya iyo dowladda Shiinaha ayaa sheegay inay ka wada shaqayn doonaan sii xoojinta iskaashigooda ciidanka ee dhinacyada kala duwan.

 

Wasiirka Gaashaandhigga dalka Maxamed Idiriis, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Shiinaha u fadhiya Itoobiya Chen Hai, iyaga oo ka wada-xajooday xoojinta xiriirka labada dal.

 

Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa xaqiijiyey inay ka shaqayn doonaan sii xoojinta iskaashigooda ciidanka iyo istaraatiijiyadeed ee muddada dheer soo jiray, isla markaana gaarsiin doonaan heer ka sarreeya kan uu maanta joogo.

 

Wasiirka Gaashaandhigga dalka Maxamed Idiriis, ayaa tilmaamay in labada dal uu ka dhexeeyo iskaashi muddo dheer soo jiray oo miro-dhal ka noqday dhinacyo badan.

 

Waxa uu si gaar ah u adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii wadidda xiriirka xooggan ee dhinaca milatariga, iyo ballaarinta iskaashiga warshadaha milatariga, isu gudbinta aqoonta tiknoolajiyadda iyo fursadaha tababarka.

 

Sidoo kale, Maxamed Idiriis ayaa sheegay in dadaalka sharciga ah ee Itoobiya ugu jirto ilaalinta danaha qarankeeda uu door wanaagsan ka qaadan doono nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo tan caalamkaba. Waxa uu Shiinaha ka codsaday inay garab istaagan Itoobiya.

 

Danjiraha Shiinaha u fadhiya Itoobiya, Chen Hai, ayaa dhankiisa xaqiijiyey in dalkiisu uu dan weyn ka leeyahay sii ballaarinta iskaashiga ciidanka iyo istaraatiijiyadaha kala dhexeeya Itoobiya.

 

Waxa uu si gaar ah u sheegay in Shiinuhu diyaar u yahay inuu sii xoojiyo iskaashiga dhinaca warshadaha difaaca iyo natiijooyinka wax-ku-oolka ah ee laga gaaray MAALGASHIGA.

 

sida lagu xusay xogtan oo ay baahisay warbaahinta internetka ee Wasaaradda Gaashaandhigga dalka

 

Dal weyn, shacab badan oo leh himilo fog #

 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015