MAGAALADA HARAR OO XUBIN KA NOQOTAY ISBAHAYSIGA DALXIISKA CAALAMIGA AH EE MAGAALOOYINKA JIDADKA XARIIRTA - ENA Af-Soomaali
MAGAALADA HARAR OO XUBIN KA NOQOTAY ISBAHAYSIGA DALXIISKA CAALAMIGA AH EE MAGAALOOYINKA JIDADKA XARIIRTA
Addis Ababa, Dirir,Tiqimti, 24,2019 (ENA) Magaalada Harar ayaa xubin ka noqotay Magaalada Harar oo xubin ka noqotay Isbahaysiga Dalxiiska Caalamiga ah ee Magaalooyinka Jidka Xariirta (International Tourism Alliance of Silk Road Cities).
Xubinnimada magaalada Harar ee isbahaysigan caalamiga ah ayaa la filayaa inay gacan ka geysato sidii ay magaalada u heli lahayd dareen iyo sumcad dheeraad ah oo dhanka dalxiiska caalamka ah, isla markaana ay u soo jiidan lahayd dalxiisayaal ka kala imanaya daafaha dunida.
Sidoo kale, waxay fursad u siinaysaa in si ballaaran loo soo bandhigo goobaha taariikhiga ah iyo meelaha dalxiiska ee magaalada, iskaashi lala sameeyo dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga, lana isweydaarsado khibradaha horumarinta iyo kobcinta waaxda dalxiiska.
Magaalada Harar ayaa xubinimada isbahaysigan heshay kaddib shirkii sannadlaha ahaa ee 2026 ee magaalooyinka xubnaha ka ah Isbahaysiga Dalxiiska Waddada Xariirta iyo wakiillada hay'adaha socdaalka caalamiga ah, kaas oo maanta ka dhacay magaalada Luzhou ee dalka Shiinaha.
Waxaa xusid mudan in magaalada Harar ay UNESCO u diiwaangelisay laba dhaxal oo caalami ah, kuwaas oo isugu jira dhaxal la taaban karo iyo mid aan la taaban karin. Sidoo kale, waxay xubin ka tahay Ururka Magaalooyinka Dhaxalka Adduunka (OWHC), Xiriirka Caalamiga ah ee Magaalooyinka Dalxiiska Adduunka iyo isbahaysiyo kale oo caalami ah.