ITOOBIYA IYO SHIINAHA OO KU HESHIIYEY XOOJINTA ISKAASHIGA DHINACYADA GANACSIGA , MAALGASHIGA IYO KOBCINTA AWOODDA - ENA Af-Soomaali
ITOOBIYA IYO SHIINAHA OO KU HESHIIYEY XOOJINTA ISKAASHIGA DHINACYADA GANACSIGA , MAALGASHIGA IYO KOBCINTA AWOODDA
Addis Ababa,Dirir, Tiqimti,24,2019 (ENA) Itoobiya iyo Shiinaha ayaa ku heshiiyey inay sii xoojiyaan iskaashigooda dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo kobcinta awoodda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Gedion Timothewos (Dr.) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Shiinaha u fadhiya Itoobiya, Chen Hai, iyaga oo yeeshay wada-xaajood
Wada-xajoodka wasiirka iyo safiirku waxay ka arrinsadeen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga istaraatiijiyadeed ee Itoobiya iyo Shiinaha, kaas oo aanay duruufuhu waxba ka beddelin.
Labada dal ayaa si gaar ah isugu raacay inay sii xoojiyaan iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo kobcinta awoodda.
Intii uu socday wada-xaajoodku safiirka Shiinaha, Chen Hai, ayaa xaqiijiyey in dalkiisu sii xoojin doono taageerada uu siinayo hirgelinta qorshayaasha Dawlada wadajirka (Medemer) sida lagu sheegay xog laga helay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.