JAAMACADAHA MEQELLE IYO RAYA OO DIB U BILAABAY HAWLIHII BARIS BARASHO - ENA Af-Soomaali
JAAMACADAHA MEQELLE IYO RAYA OO DIB U BILAABAY HAWLIHII BARIS BARASHO
Addis Ababa,Dirir,Tiqimti,24, 2019 (ENA) Jaamacadaha Mekelle iyo Raya ayaa maanta ku dhawaaqay inay bilaabeen hawlihii Baris barasho
Jaamacadaha Aksum iyo Adigrat ayaa iyaguna sheegay inay ku guda jiraan soo dhoweynta ardayda.
Sida ay wakaaladda wararka Itoobiya (ENA) u sheegeen maamulayaasha jaamacadaha ku yaalla deegaanka Tigray iyagoo raacaya jihaynta ay dejisay Wasaaradda Waxbarashada, ayay jaamacaduhu bilaabeen hawlihii Baris barasho , kadib markii ay qaabileen ardayda cusub iyo kuwii hore.
Madaxweyne-ku-xigeenka Arrimaha Waxbarashada ee Jaamacadda Mekelle, Dr. Cabdulqaadir Kedir, ayaa sheegay in jaamacaddu ay qaabishay ardayda cusub iyo kuwii hore, isla markaana ay dib u bilowday hawlihii Baris barasho ee caadiga ahaa.
Waxa uu sharraxay in sannad-dugsiyeedkan ay jaamacaddu qaabili doonto in ka badan 10,000 oo arday, kuwaas oo wax ka baran doona qaybo kala duwan oo waxbarasho.
Dhankiisa, Madaxweynaha Jaamacadda Raya, Dr. Nega Afera, ayaa sheegay in jaamacaddu ay qaabishay in ka badan 1,500 oo arday oo cusub iyo kuwii hore, isla markaana ay toddobaadkan bilowday hawlihii waxbaridda iyo barashada.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ardaydii markii hore loo qoondeeyey jaamacado kale sababo la xiriira xaaladdii ka jirtay Deegaanka , ay hadda dib ugu soo laabanayaan Jaamacadda Raya.
Madaxweynaha Jaamacadda Aksum, Professor Gebreyasus Berhane, ayaa sheegay in tan iyo 23-kii bisha Tikimt ee sannadka 2019-ka ay jaamacaddu wadday soo dhoweynta ardayda cusub iyo kuwii hore.
Waxa uu sheegay in la sameeyey diyaar-garow buuxa oo ay ku jiraan adeegyo gaadiid oo kala duwan iyo soo dhoweyn habboon, si loo bilaabo hawlo waxbarasho oo dhammaystiran.
Waxa uu intaas ku daray in Jaamacadda Aksum ay dhammaystirtay diyaar-garowgii lagama maarmaanka ahaa, isla markaana ay bilowday hawlaheeda, iyadoo sannad-dugsiyeedkan qaabili doonta ku dhowaad 6,000 oo arday oo cusub iyo kuwii hore.