KHIYAANADII AANAY TAARIIKHDU ILLOOBI DOONIN IYO ADKAYSIGA SHARAFTA LEH EE ITOOBIYAANKA - ENA Af-Soomaali
KHIYAANADII AANAY TAARIIKHDU ILLOOBI DOONIN IYO ADKAYSIGA SHARAFTA LEH EE ITOOBIYAANKA
Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya waxaa la og yahay inuu yahay ciidan aan ku koobnayn oo keliya ilaalinta madax-bannaanida dalka, balse sidoo kale door muuqda ka qaata horumarinta dalka iyo adeegyada bulshada, isaga oo ficil ahaan muujiyey inuu yahay ciidan shacabka ka tirsan.
Hase yeeshee, iyadoo ay habboonayd in ciidankan geesiga ah ee shacabka u adeegaya la siiyo maamuuska iyo mahadnaqa uu mudan yahay, waxaa murugo weyn leh in khiyaano loo geystay. Khiyaanadii kediska ahayd ee 24-kii Tikimt 2013-kii T.I. ay kooxo khaa'inno ahi u geysteen ciidanka, waxay ahayd mid ka mid ah khiyaanooyinkii ugu xumaa ee aanay taariikhdu illoobi doonin.
Sidaas darteed, maanta waxaa la xusuusanayaa khiyaanadii taariikhiga ahayd ee kooxaha khaa'innada ahi u geysteen Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya, xilli uu ciidanku ku jiray dadaallo uu ku ilaalinayey madax-bannaanida dalka, iyo sida uu uga gudbay dhacdadaas isaga oo muujiyey adkaysi iyo geesinimo.
Marka la xusayo maalintan, waxaa la xusuusanayaa fal arxan-darro ah iyo khiyaano aan taariikhdu illoobi doonin oo ay kooxo khaa'inno ah oo gudaha ku jiray u geysteen ciidan muddo sannado ah ka shaqaynayey ilaalinta nabadda shacabka, difaaca xuduudaha dalka iyo taageeridda hawlaha horumarinta.
Falkii maalintaas dhacay wuxuu ahaa fal arxan-darro ah oo aan tixgelin siin bini'aadannimada iyo anshaxa milatariga. Sidaas darteed, naf-hurnimada uu Ciidanka Difaaca Qaranka u sameeyey sharafta iyo madax-bannaanida dalka, iyo jacaylka iyo ixtiraamka uu u hayo muwaadiniinta, marnaba lama illoobi karo.