BLOOMBERG OO WERISAY ISBEDDELKA ITOOBIYA EE KU WAJAHAN GAADIIDKA KORONTADA KU SHAQEEYA WAA TUSAALE WAX KU OOL AH COP32 AH - ENA Af-Soomaali
BLOOMBERG OO WERISAY ISBEDDELKA ITOOBIYA EE KU WAJAHAN GAADIIDKA KORONTADA KU SHAQEEYA WAA TUSAALE WAX KU OOL AH COP32 AH
Xilli uu dunidu walaac ka muujinayo isbeddelka cimilada, isla markaana ay ka tashanayso sidii wax looga qaban lahaa, go'aanka cajiibka ah ee Itoobiya ay ficil ahaan u muujisay ayaa soo jiitay indhaha caalamka. Itoobiya oo si rasmi ah u mamnuucday soo dejinta baabuurta shidaalka ku shaqeeya, isla markaana si degdeg ah ugu tallaabtay adeegsiga baabuurta korontada ku shaqeeya, ayaa muddo kooban gudaheed ku diiwaangelisay natiijooyin dhiirrigelin leh, sida ay sheegtay warbixinta Bloomberg.
Warbixintu waxay xustay in boqolkiiba 99 ka mid ah tamarta korontada laga dhaliyo Itoobiya ay tahay tamar nadiif ah oo cagaaran, taas oo u suurtagelisay dalka inuu baabuurta korontada ku shaqeeya ku bixiyo tamar qiimo jaban.
Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya ee Renaissance uu door muhiim ah ka qaatay arrintan. Waxay intaas ku dartay in isbeddelkan weyn aanu ku koobnayn oo keliya ilaalinta deegaanka, balse uu sidoo kale Itoobiyaanka ka caawiyey dhimista kharashaadkooda.
Sida ay sheegtay Bloomberg, darawallada tagaasida iyo gaadiidka dadweynaha ee isticmaala baabuurta korontada ku shaqeeya ayaa ka maarmay kharashaadkii badnaa ee ay hore ugu bixin jireen shidaalka iyo dayactirka, taas oo u suurtagelisay inay bishii kaydsadaan lacag gaadhaysa 150 doolar, una dhiganta 40,000 ilaa 50,000 oo Birr.
Intaa waxaa dheer, markii ay dalka gudihiisa ka hawlgaleen warshadaha isku-xidhka baabuurta, sida BKG Group, waxaa la abuuray fursado shaqo oo cusub, iyadoo tababarro la siiyey dhallinyaro badan oo jaamacadaha ka qalin-jabisay.
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in muddo laba sano ah gudahood saamiga baabuurta korontada ku shaqeeya ee Itoobiya uu gaadhay boqolkiiba 6, taas oo ka sarreysa celceliska caalamka oo ah boqolkiiba 4, isla markaana Itoobiya ka dhigtay dal safka hore kaga jira arrintan.
Marka Itoobiya ay sannadka 2027 martigeliso shir-madaxeedka Qaramada Midoobay ee isbeddelka cimilada (COP32), waxay noqon doontaa tusaale nool oo ficil ahaan muujinaya sida dalalka soo koraya ay si degdeg ah ugu gudbi karaan dhaqaale cagaaran, iyaga oo aan caqabad kala kulmin dhaqaale yari ama dhibaatooyinka shidaalka. Tani waa su'aasha weyn ee ay warbixinta Bloomberg tilmaantay.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay in qorshaha weyn ee Itoobiya ay ku doonayso in sannadka 2033 ay waddooyinka dalka ku isticmaalaan 500,000 oo baabuur oo koronto ku shaqeeya uu qayb ka yahay himiladeeda ku aaddan dhaqaale cagaaran oo waara.