GOLAHA DEEGAANKA EE MAAMULKA DIRE DHABA OO BILAABAY KALFADHIGIISA DEGDEGGA AH - ENA Af-Soomaali
GOLAHA DEEGAANKA EE MAAMULKA DIRE DHABA OO BILAABAY KALFADHIGIISA DEGDEGGA AH
Addisabab, Dirir, 24,2019 (ENA) – Golaha Deegaanka Maamulka Dire Dawa ayaa bilaabay kalfadhigiisa degdegga ah ee sannadka koowaad ee muddadiisa afraad ee shaqo.
Kalfadhiga ayaa ku billowday ansixinta cod buuxa oo loo dhan yahay ee hab-maamuuska kalfadhigii caadiga ahaa ee furitaanka sannadka koowaad ee muddada afraad ee shaqada Golaha Deegaanka.
Golaha ayaa hadda ka doodaya hindise-sharciyeedka canshuurta hantida ma-guurtada ah ee Maamulka Dire Dawa.
Ugu dambayn Waxaa la xusay in kalfadhiga degdegga ah uu ka doodi doono hindise-sharciyeedkan, kaddibna uu ansixin doono, sidoo kalena la ansixin doono magacaabisyo kala duwan.