Madal wadatashi iyo dood-wadaag ballaadhan oo diiradda lagu saarayo doorka dhalinyarada ee dhismaha mustaqbalka Ismaamulka Dir-Dhaba

Madal wadatashi iyo dood-wadaag ballaadhan oo diiradda lagu saarayo doorka dhalinyarada ee dhismaha mustaqbalka Ismaamulka Dir-Dhaba iyo dalka, fahamka iyo ka faa’iidaysiga taariikhda iyo waayo-aragnimadii hore iyo sidii ay uga midaysnaan lahaayeen dadaallada lagu xaqiijinayo horumarka iyo isbeddelka dalka iyo doorka ay ku leeyihiin mustaqbalka magaalada iyo dalka oo hal-ku-dhig looga dhigay Dhalinyarada maanta waa mulkiilayaasha Dir-Dhaba berri iyo rejada mustaqbalka Itoobiya, ayaa lagu qabtay Ismaamulka Dir-Dhaba.

 

Kulankan ayaa ahaa doorka dhalinyarada ee horumarinta magaalada iyo mustaqbalka Itoobiya ujeeddadiisu ahayd in dib-u-eegis lagu sameeyo waxqabadkii kala duwanaa ee maamulka u qabtay dhalinyarada sannadihii isbeddelka, si loo sii xoojiyo guulihii la gaaray, loona saxo caqabadaha iyo goldaloolooyinka jira. Kulanka ayaa si qoto dheer loogu lafa-guray xaaladda guud ee dalka iyo Ismaamulka Dir-Dhaba, doorka dhalinyarada ee geeddi-socodka horumarka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa ka-qaybgalka dhalinyarada ee hawlaha dhismaha qaranka.

 

Maayarka Ismaamulka Dir-Dhaba mudane Cabdullahi Aden Yuusuf ayaa sheegay in madashani ay fursad u tahay sidii loo sii xoojin lahaa guulihii iyo hawlihii wax-ku-oolka ahaa ee maamulku qabtay sannadihii isbeddelka, kuwaas oo ay dhalinyaradu qayb ka ahaayeen, isla markaana madashan lagu ogaanayo laguna lafagurayo caqabadaha jira iyo sidii xal loogu heli lahaa.

 

Mudane Cabdullahi Aden ayaa tilmaamay in ka-bixitaanka saboolnimadu u baahan yahay in laga gudbo fikirka ku dhisan ku-tiirsanaanta iyo sugitaanka kaalmo, loona gudbo hal-abuurka ganacsi iyo shaqo-abuurka. Waxa uu intaas ku daray in dhalinyaradu qaataan hab-nololeed caafimaad qaba, isla markaana ay door firfircoon ka qaataan ilaalinta iyo adkaynta nabadda.

 

Koomiishineerka Komishanka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Ismaamulka Dir-Dhaba, mudane Shaakir Axmed ayaa sheegay in dhalinyaradu ay garwaaqsadaan doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin arrimaha siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee dalka iyo Ismaamulka Dir-Dhaba iyaga oo ku hawlan hal-abuur iyo dadaal joogto ah. Tahay inay xoogga saaraan horumarinta aqoontooda iyo xirfadahooda, isla markaana in aysan keliya dhallinyaranimadu aanay ahayn xilli la sugo oo keliya fursadaha, balse ay tahay marxalad muhiim u ah hal-abuurka, waxqabadka iyo kobcinta nafta, si mustaqbalka loo helo awood iyo karti wax-ku-ool ah.

 

Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo mudane Cabduljawaad Maxamed, ayaa madasha ka soo jeediyay warbixinta iyo qoraalka dood-wadaaga ah ee cinwaankiisu ahaa ayaa sheegay in dhalinyaradu ay waajib ka saaran tahay xoojinta nabadda, ka fogaanshaha dhaqannada aan wanaagsanayn, xoojiyaana horumarinta xirfadahooda iyo sidii ay u noqon lahaayeen kuwo shaqo-abuur samaysta, isla markaana xaqiijiya isku-filnaanshahooda dhaqaale.

 

Waxa kale oo uu sheegay in dawladdu waddo dadaallo lagu ballaadhinayo fursadaha ay dhalinyaradu kaga qayb qaadan karaan dhaqaalaha, kuwaas oo ay ka mid yihiin dib-u-habaynta nidaamyada sharci iyo maaliyadeed, tababarrada xirfadeed, helitaanka amaahda iyo dhulka, iyo isku xidhka xirfadaha farsamada iyo fursadaha dhaqaale ee deegaanka.

 

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in dhalinyaradu ay tahay inay ka faa'iidaystaan kaabeyaasha dhaqaalaha iyo fursadaha horumarineed ee sannadihii u dambeeyay laga hirgeliyay Ismaamulka Dir-Dhaba, iyaga oo ku hawlgalaya shaqooyin wax-tar u leh naftooda, maamulkooda iyo guud ahaan dalkooda.

 

Waxa warbixinta dhalinyarada loo soo jeediyay lagu xusay in dhalinyaradu ay waajib ka saaran tahay ilaalinta iyo xoojinta nabadda Ismaamulka Dir-Dhaba iyo guud ahaan dalka, ka fogaadaan mukhaadaraadka iyo dhaqannada aan wanaagsanayn, iyo sidii ay aqoon iyo xirfado u yeelan lahaayeen, una xaqiijin lahaayeen isku-filnaanshahooda dhaqaale. Doodaha kulanka ayaa si gaar ah loogu soo qaaday caqabadaha haysta dhalinyarada, oo ay ka mid yihiin shaqo la’aanta, tahriibka, yaraanta goobaha madadaalada iyo nasashada, adeegyada caafimaadka iyo ciyaaraha, waxbarashada, iyo baahiyaha ka jira kaabeyaasha dhaqaalaha sida waddooyinka iyo korontada.

 

Xigasho :- Dire Dhawa tv

Wakaalada Warka Itoobiya
2015