ITOOBIYAAN AYAAN UNESCO KA DIIWAANGELISAY SEERIHII UGU HORREYSAY EE DHAXALKA JUQRAAFIYEED (Geopark)

Addis Ababa, Dirir,Tiqimti, 23,2019,(ENA) Goobta Dhaxalka Juqraafiyeed ee Dooxada Rift Valley ee Bartamaha Itoobiya ayaa aqoonsi caalami ah ka heshay UNESCO, kaddib markii lagu daray liiska goobaha dhaxalka juqraafiyeed ee caalamiga ah.

 

Guushan ayaa ah guul qaran oo weyn, maadaama ay dunida u soo bandhigayso kheyraadka dabiiciga ah ee Itoobiya, dhaxalkeeda gaarka ah ee juqraafiyeed iyo goobaha dalxiiska, sida lagu sheegay xogta Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska.

 

Goobta Dhaxalka Juqraafiyeed (Geopark) waa deegaan ay UNESCO siisay aqoonsi caalami ah, kaas oo leh dhaxal gaar ah oo la xiriira cilmiga dhulka, muuqaallo dabiici ah iyo goobo taariikhi ah.

 

Goobahan dhaxalka juqraafiyeed waxay leeyihiin nidaam maamul oo isku-dhafan, kaas oo u suurtageliya ilaalinta taariikhdooda juqraafiyeed, waxbaridda bulshada iyo ka faa'iidaysiga kheyraadkooda si loo xaqiijiyo horumar waara.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015