ITOOBIYA AYAA DIYAARGAROW UGU JIRTA MARTIGELINTA SHIRWEYNAHA 5-AAD EE CAALAMIGA AH EE CAAFIMAADKA BULSHADA AFRIKA :- MEQDHES DHABA (DR.) - ENA Af-Soomaali
ITOOBIYA AYAA DIYAARGAROW UGU JIRTA MARTIGELINTA SHIRWEYNAHA 5-AAD EE CAALAMIGA AH EE CAAFIMAADKA BULSHADA AFRIKA :- MEQDHES DHABA (DR.)
Addis Ababa, Dirir,Tiqimti,23, 2019 (ENA) Wasiirka Caafimaadka Meqdhes Dhaba Dr ayaa sheegtay in diyaar-garowgii lagama maarmaanka u ahaa martigelinta Shirweynaha 5-aad ee Caalamiga ah ee Caafimaadka Bulshada Afrika, kaas oo lagu qabanayo magaalada Addis Ababa, uu socdo.
Dal weyn, shacab badan oo leh himilo fog ,
Wasiirka Caafimaadka, Dr. Mekdes Daba, ayaa warbaahinta warbixin ka siisay diyaar-garowga shirweynaha 5-aad ee Caalamiga ah ee Caafimaadka Bulshada Afrika oo lagu qabanayo Addis Ababa.
Waxay sheegtay in shirweynaha oo ay si wadajir ah u qabanqaabinayaan Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya iyo Xarunta Afrika ee Xakamaynta iyo Ka-hortagga Cudurrada (Africa CDC) uu qabsoomi doono 14-ka ilaa 18-ka bisha Hidar 2019
Waxay xustay in Itoobiya loo doortay martigelinta shirweynahan, maadaama ay xarun u tahay Midowga Afrika, Xarunta Afrika ee Xakamaynta iyo Ka-hortagga Cudurrada (Africa CDC), isla markaana ay tahay xarun diblomaasiyadeed oo caalami ah.
Waxay sheegtay in shirweynaha lagu qaban doono hal-ku-dhigga ah ( Amniga Caafimaadka iyo Madaxbannaanida Afrika, Ka beddelashada ku-tiirsanaanta iyo u-nuglaanshaha caafimaadka, loona guuro lahaanshaha iyo adkeysiga).
Waxay tilmaantay in Itoobiya ay shirweynahan uga faa’iidaysan doonto sidii ay hay’adaha qaaradda iyo kuwa caalamiga ah ula wadaagi lahayd khibradaha iyo guulaha ay ka gaartay waaxda caafimaadka, iyadoo si guul leh u martigelinaysa shirka.
Waxay sheegtay in hal-ku-dhigga shirku diiradda saarayo sidii Afrika, kaddib masiibadii COVID-19, ay u xoojin lahayd isku-filnaanshaheeda caafimaad, awoodda nidaamyadeeda caafimaadka iyo ka-hortagga cudurrada faafa.
Waxay sidoo kale xustay in Afrika laga filayo inay dhisto awood ay ku xalliso caqabadaha caafimaad ee ka jira qaaradda, iyadoo xoojinaysa awooddeeda gudaha, cilmi-baarista sayniska, tiknoolajiyadda iyo iskaashiga qaaradeed.
Waxay sheegtay in shirweynuhu isu keeni doono madaxda dalalka, wasiirro, dejiyeyaasha siyaasadaha, khubarada caafimaadka, qaybta gaarka loo leeyahay iyo bahwadaagta horumarinta, si ay uga wada tashadaan una dejiyaan jihooyin xal loogu heli karo arrimaha caafimaadka Afrika.