RA’IISUL WASAARE KU-XIGEENKA DALKA TEMESGEN TIRUNEH AYAA KULAN WADA-XAJOODA LA YEESHAY MADAXA SHIRKADDA HUAWEI EE ITOOBIYA - ENA Af-Soomaali
RA’IISUL WASAARE KU-XIGEENKA DALKA TEMESGEN TIRUNEH AYAA KULAN WADA-XAJOODA LA YEESHAY MADAXA SHIRKADDA HUAWEI EE ITOOBIYA
Addis Ababa, Dirir, Tiqimti, 21,2019 ENA Addis Ababa (ENA) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Temesgen Tiruneh, ayaa kulan la yeeshay Eric Yuan oo dhowaan loo magacaabay madaxa fulinta shirkadda Huawei ee dalka Itoobiya.
Temesgen Tiruneh oo farriin ku baahiyey barta uu ku leeyahay baraha bulshada ayaa xusay in kulan wadaxajood uu la yeeshay Eric Yuan uu bogaadiyey dadaallada ay dowladda Itoobiya ka waddo sii wadidda iyo dardargelinta isbeddelka dhijitaalka ah ee dalka.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Temesgen Tiruneh wuxuu xusay in shirkadda Huawei ay door muhiim ah ka qaadanayso hirgelinta himilada Itoobiya ee dhijitaalka ah iyo xaqiijinta yoolalka horumarineed ee qaranka, gaar ahaan dhinacyada kaabeyaasha tiknoolajiyadda macluumaadka iyo isgaarsiinta (ICT).
Dhanka kale waxa uu xusay in labada dhinac ay ka wada hadleen dhinacyada iskaashiga ee lagu horumarinayo qorshaha Digital Ethiopia 2030, iyagoo ku salaynaya mabaadi’da iskaashiga, lahaanshaha qaranka, waarta, amniga iyo abuurista qiime gudaha dalka ah.
Ugu damabayn Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa intaas ku daray in xilli dhaqaalaha dhijitaalka ah ee Itoobiya uu si xawli ah u kobcayo, ay labada dhinac isku afgarteen in Huawei ay qaadato doorka laga filayo ee taageeridda kobocaas, isla markaana la xoojiyo xiriirka shaqo ee ka dhexeeya dowladda Itoobiya iyo shirkadda.