AQBALAADDA DALABKA ITOOBIYA EE HELITAANKA MARIN-BADEED AYAA SII KORDHAYSA, MAADAAMA AY WAAFAQSAN TAHAY MABAADI’DA CAALAMIGA AH - ENA Af-Soomaali
AQBALAADDA DALABKA ITOOBIYA EE HELITAANKA MARIN-BADEED AYAA SII KORDHAYSA, MAADAAMA AY WAAFAQSAN TAHAY MABAADI’DA CAALAMIGA AH
Addis Ababa,Dirir,Tiqimti,21,2019 (ENA) Aqoonyahanno ay wareysatay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) ayaa sheegay in aqbalaadda dalabka Itoobiya ee helitaanka marin-badeed ay sii kordhayso, maadaama uu ku dhisan yahay is-weydaarsi danaha iyo mabaadi’da caalamiga ah.
Waxay sheegeen in dalabka Itoobiya uu ku salaysan yahay sharciga, baahida horumarinta dhaqaalaha iyo isu-dhowaanshaha juqraafiyeed, isla markaana uu yahay arrin muhiim u ah xaqiijinta danaha labada dhinac.
Ugu horeyn Garyaqaan iyo la-taliye sharci Yonas Woldeyes ayaa sheegay in rabitaanka Itoobiya uusan ka hor imaanayn madaxbannaanida dalalka kale, balse uu waafaqsan yahay xeerarka caalamiga ah.
Waxa uu xusay in Itoobiya ay bilowday mashaariic waaweyn oo qaran, sida dhismaha garoonka diyaaradaha Bishoftu, warshad weyn oo bacriminta beeraha soo saarta, xarumaha shidaalka iyo kaabayaasha tamarta.
Waxa uu sheegay in mashaariicdaasi ay sii xoojinayaan baahida dalka u qabo helitaanka marin-badeedyo dheeraad ah, taas oo uu ku tilmaamay arrin la xiriirta jiritaanka qaranka iyo horumarkiisa.
Waxay carrabka ku adkeeyeen in dalabka Itoobiya uu ku dhisan yahay daliillo sharci, taariikheed, juqraafiyeed iyo dhaqaale, isla markaana aanu ahayn mid dib looga laaban karo
Waxa uu sheegay in sida Masar iyo dalal kale ay jiilashooda wax uga baraan isticmaalka Wabiga Niil, ay muhiim tahay in shacabka Itoobiya loo abuuro faham wadajir ah oo ku saabsan marin-badeedka iyo kheyraadka biyaha dalka, iyadoo la adeegsanayo caddeymo cilmiyeed.
Yonas ayaa sheegay in Masar ay sii waddo isku dayada ay ku marin-habaabineyso bulshada caalamka, iyadoo qalloocinaysa dalabka Itoobiya ee uu ku tilmaamay mid sharciyad leh.
Waxa uu ku baaqay in la xoojiyo dadaallada looga hortagayo dhaq-dhaqaaqyadaas.
Dhankiisa, Bare iyo cilmi-baare ku takhasusay nabadda iyo amniga oo ka tirsan Jaamacadda Addis Ababa.
Mulugeta Ayele (Dr.) ayaa sheegay in dalal kale ay kumannaan mayl u soo gudbaan si ay danahooda uga ilaashadaan Badda Cas, halka Itoobiya oo 60 kiiloomitir oo keliya u jirta Badda Cas laga fogeeyay marin-badeedka, arrintaas oo uu sheegay inaanay ahayn mid la aqbali karo.
Waxa uu intaa ku daray in ilaalinta danaha Itoobiya ee Badda Cas ay tahay xuquuq aan laga noqon karin.
Wuxuu kale oo uu xusay Mulugeta (Dr.) in aqbalaadda dalabka Itoobiya ee marin-badeedku sii kordhayso, maadaama uu ku dhisan yahay is-weydaarsi danaha iyo mabaadi’da caalamiga ah. Waxa uu xusay in midnimada laga yeesho danaha qaranka ay muhiim u tahay xaqiijinta himiladaas.
Waxa uu sidoo kale xusuusiyay in Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay yihiin goobo ay ka dhacaan falalka burcad-badeednimada, oo ay ka mid yihiin afduubka maraakiibta iyo dambiyada kale ee badda.