FARRIINTA RA’IISUL WASAARE ABIY AXMED (DR.)

Barwaaqo loo dhan yahay waxay u baahan tahay hoggaan leh diyaargarow dhinac walba ah

 

Si loo dhiso ilbaxnimada Itoobiya, waxaa lagama maarmaan ah in la xaqiijiyo barwaaqo dhinac walba taabanaysa.

 

Barwaaqada loo dhan yahay waa horumar isku lammaan ee barwaaqada maaddiga iyo tan ruuxiga ah, iyo koboca dhaqanka iyo akhlaaqda bulshada.

 

Taasina waxay u baahan tahay hoggaan leh diyaargarow dhammaystiran, jir ahaan dhisan, akhlaaq ahaan adag, aqoon ahaan sarreeya, xikmadna u bisil. Hoggaanka waxaa si gaar ah looga doonayaa inuu waajibaadkiisa u guto jacaylka dalka iyo u damqashada shacabka, maadaama uu hayo masuuliyad qaran oo culus.

 

Cilmiga, waayo-aragnimada iyo nolosha milatari waxay door weyn ku leeyihiin qaabaynta shakhsiyadda iyo himilada qofka. Muddo dheer ayay kaalin ka qaadanayeen diyaarinta jiilal leh nidaam iyo anshax dhinacyada jirka, maskaxda, akhlaaqda iyo fulinta waajibaadka. 

 

Waxa kale oo ay soo saareen hoggaamiyeyaal leh shakhsiyad isku dheellitiran. Qiyamka laga baran karo waayo-aragnimada milatari waxaa ka mid ah gudashada waajibaadka si hufan, adeegga waddan-jacaylka ku dhisan, anshaxa shaqada, xaqiijinta yoolalka wadajirka ah, feejignaan joogto ah, hoggaan ku dhisan kala sarreyn, masuuliyad iyo isla-xisaabtan, iyo isku-duwidda dhammaan heerarka hoggaanka.

 

Mas’uuliyiinta /Hoggaamiyeyaasha dowladda wadajirka (Medemer) ayaa tababar ku qaadanaya xarunta tababarka milatariga ee Hurso. 

 

Tababarkan ayaa lagu doonayaa inay ka kororsadaan aqoon, xirfado iyo waayo-aragnimo milatari oo ka caawinaya hirgelinta istaraatiijiyadda weyn ee ilbaxnimada Medemer. 

 

Waxa uu sidoo kale door ka qaadanayaa fahamka iyo fulinta qodobbada istaraatiijiyadda, sida in hal aragti lagu midoobo, khayraadka iyo deegaanka si habboon looga faa'iidaysto, shacabka si joogto ah loogu diyaariyo himilooyinka iyo hawlaha, ballanqaadyada loo fuliyo si hufan, hay'adaha dalka loo jiheeyo ujeeddooyinka qaranka, dalka loogu hoggaamiyo masuuliyad iyo ammaanad, la dhiso dal adag oo aan cidna u jilicsanayn, la soo saaro jiilal beddela hoggaanka, lana xaqiijiyo amniga qaranka mar kasta.

 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015