Farriinta Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.): - ENA Af-Soomaali
Farriinta Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.):
Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan fariintayda ku gudbiyo Shir-madaxeedka 3aad ee Ruushka iyo Afrika oo hadda ka socda Moskow.
Ballanqaad iyo iskaashi wadaag ah ayaa lagama maarmaan u ah go'aannada aan ka qaadanno madashan taariikhiga ah si aan u helno natiijooyin la taaban karo.
Itoobiya waxay diiradda saareysaa saddex tiir oo muhiim ah oo saldhig u ah barwaaqadeeda waarta iyo horumarka qaranka. Kuwaas waa amniga cuntada iyo wax soo saarka, sahay tamar oo la isku halleyn karo, iyo xirfado iyo wareejin aqoon.
Itoobiya iyo Ruushku waxay leeyihiin xiriir diblomaasiyadeed oo taariikhi ah oo qarniyo badan soo jiray oo ku salaysan ixtiraam iyo faa'iido wadaag ah.
Si aan saaxiibtinimadan u gaarno heerka xiga, waxaan ka go'annahay inaan la shaqeyno Ruushka si aan u dhisno warshad koronto oo heer caalami ah. Iskaashigan istiraatiijiyadeed ma aha oo kaliya inuu ballaarin doono fursadahayaga tamarta, laakiin sidoo kale wuxuu si weyn u dedejin doonaa safarka dalkeenna ee barwaaqada iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal in ka badan sidii hore.