WAA IN SI MAS’UULIYAD LEH LOOGA FAA’IIDAYSTO KAABEYAASHA CIYAARAHA EE la DHISAYO , LANA XOOJIYO DOORKOODA HORUMARINTA QARANKA - ENA Af-Soomaali
WAA IN SI MAS’UULIYAD LEH LOOGA FAA’IIDAYSTO KAABEYAASHA CIYAARAHA EE la DHISAYO , LANA XOOJIYO DOORKOODA HORUMARINTA QARANKA
Addis Ababa,dirir,Tikimt, 17,2019 (ENA) Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Aklilu Tadesse Dr ayaa sheegay in loo baahan yahay in si mas’uuliyad leh looga faa’iidaysto kaabeyaasha ciyaaraha ee laga hirgeliyey dalka iyo kuwa dhismuhu ka socdo, si loo xoojiyo doorka ballaaran ee ay ku leeyihiin horumarka dhaqaale iyo bulsho ee qaranka.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa wada kulan wadatashi ah oo ay la yeelanayso ururrada ciyaaraha ee heer qaran iyo dhinacyada kale ee ay khusayso.
Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee JDFI, Aklilu Tadesse Dr ayaa kulankaas ka sheegay in ciyaaraha aan loo arkin oo keliya madadaalo iyo tartan, balse loo aqoonsado qayb istaraatiiji ah oo ka mid ah horumarinta qaranka iyo aalad lagu horseedo isbeddel bulsho.
Waxa uu tilmaamay in ciyaaruhu leeyihiin awood ay ku mideeyaan muwaadiniinta, ku kobciyaan dhaqanka shaqada, kuna dhiirrigeliyaan dhallinyarada inay ka qaybqaataan hawlo wax-ku-ool ah.
Waxa kale oo uu xusay in ciyaaruhu kiciyaan dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha, isla markaana xoojiyaan ka qaybgalka dalka ee heer qaran iyo heer caalami.
Si loo xaqiijiyo arrimahan, wasiirku waxa uu sheegay in dadaalka dowladda oo keliya aanu ku filnayn, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in ururrada ciyaaraha iyo hay’adaha kale ee ka hawlgala waaxdan ay ku wada shaqeeyaan mas’uuliyad wadaag, hawlgal isku xidhan iyo mabda’a isla xisaabtanka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in si horumarinta ciyaaruhu u keento natiijo waarta, loo baahan yahay in lagu taageero siyaasado, sharciyo, awood hay’adeed, shaqaale xirfad leh, kaabayaal iyo maamul wax-ku-ool ah.
Waxa uu ku boorriyey ururrada ciyaaraha inaysan ku koobnaan oo keliya qabanqaabada tartamada, balse ay sidoo kale ka shaqeeyaan soo saarista ciyaartooyda mustaqbalka, xoojinta nidaamka ciyaaraha, abuurista fursado ka qaybgal oo loo siman yahay dhammaan qaybaha bulshada, iyo in si mas’uuliyad leh looga faa’iidaysto kaabeyaasha ciyaaraha ee la dhisayo, si loo xoojiyo doorkooda horumarinta qaranka.
Waxa uu intaas ku daray in si loo kordhiyo kaalinta ay waaxda ciyaaruhu ku leedahay horumarinta qaranka, ay tahay in ururrada ciyaaruhu ku shaqeeyaan aragti mideysan, qorshe isku xidhan iyo yoolal lagu cabbiri karo natiijooyin la taaban karo.