CIIDANKA DIFAACU WAA ILAALIYAHA MADAX-BANNAANIDA DALKA IYO DANAHA QARANKA

Ciidanka Difaaca Qaranka ayaa loo xilsaaray masuuliyadda qaran ee ilaalinta madax-bannaanida dalka iyo nidaamka dastuuriga ah, isagoo laf-dhabar u ah dhowrista qarannimada dalka 

 

Itoobiya oo ku taalla Bariga Afrika iyo Geeska Afrika, isla markaana leh muhiimad juqraafi-siyaasadeed oo istaraatiiji ah, ayaa awoodda iyo diyaargarowga ciidankeeda difaaca lagu tilmaamay arrin muhiim u ah sugidda nabadda gudaha iyo xasilloonida guud ee gobolka.

 

Ciidanka Difaaca Qaranka ayaa ka soo gudbay waayo-aragnimadii dagaal ee soo jireenka ahayd iyo taariikhda halganka, isaga oo u gudbay ciidan ku qalabaysan tiknoolajiyad casri ah, kuna dhisan aqoon cilmiyeed oo heer sare ah iyo xirfad-yaqaannimo. Isbeddelkan ayaa muujinaya marxalad cusub oo ku timid horumarinta awoodda ciidan ee dalka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015