DIIWAANGELINTA XAJKA 2019-KA OO BILAABANAYSA KHAMIISTA SOO SOCOTA

Addis Ababa,Dirir, Tiqimti,10,2019 (ENA) Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in diiwaangelinta xajka ee sannadka 2019-ka tirsiga Itoobiya ay bilaaban doonto Khamiista soo socota.

 

Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka Itoobiya ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray habraaca diiwaangelinta xajka ee sannadka 2019-ka. 

 

madaxweyne ku-xigeenka waaxda Culimada iyo Arrimaha Bulshada ee Golaha Sare ee arimaha islamka Sheekh Xamiid Muuse ayaa xusay in diiwaangelintu bilaaban doonto Khamiista, 12-ka bisha Tikimt ee sannadka 2019-ka. 

 

dhanka kale Sheekh Xamiid ayaa xusay in goluhu casriyeeyay adeegyada diiwaangelinta si habraacu u noqdo mid hufan, degdeg ah, isla markaana waafaqsan heerarka loo baahan yahay. Waxa uu bulshada Muslimiinta ugu baaqay inay ka faa’iideystaan adeegga oo ay isdiiwaangeliyaan.

 

Madaxa Xafiiska Madaxweynaha Golaha Sare arimaha Islaamka Ustaad Abubakar Axmed ayaa dhankiisa xusay in habraaca diiwaangelinta sannadkan loo diyaariyay qaab meesha ka saaraya caqabadihii iyo dhibaatadii ay dadku hore ula kulmi jireen, isla markaana waafaqsan taariikhda iyo sharafta Muslimiinta Itoobiya iyo dhaxalka taariikheed ee Najashi.

 

Waxa uu sidoo kale xusay in goluhu sannadkii hore uu dowladda Sacuudi Carabiya ka helay abaalmarinta heerka “Diamond Award”, taas oo lagu aqoonsaday adeegyada uu bixiyay.

 

ugu dambeyn Diiwaangelinta ayaa ka socon doonta 33 xarumood oo casri ah oo adeegsanaya tiknoolajiyadda, waxaana la filayaa inay socoto ilaa 10-ka bisha Tir ee sannadka 2019-ka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015