XIRIIRKA GANACSI IYO MAALGASHI EE ITOOBIYA IYO IMAARAADKA OO SII KOBCAYA

Addis Ababa,Dirir, Tiqimti, 10, 2019 (ENA) Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka ayaa sheegtay in xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee u dhexeeya Itoobiya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta uu sii kobcayo.

 

Madasha Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Itoobiya iyo Imaaraadka ee 2026 ayaa ka socota iyadoo hal-ku-dhegg looga dhigay “Xoojinta Iskaashiga Cusub iyo Wadajirka Hagidda Mustaqbalka.”

 

Agaasimaha Guud ee Waaxda Arrimaha Bariga Dhexe, Aasiya iyo Baasifigga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Danjire Dhewano Kedir, ayaa sheegay in xiriirka u dhexeeya labada dal uu sii xoogeysanayo.

 

Waxa uu xusay in xiriirka labada dal uu hadda marayo heer wanaagsan oo tusaale u noqon kara iskaashiga caalamiga ah.

 

Agaasimaha guud ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya iyo Imaaraadku leeyihiin xiriir adag oo istaraatiiji ah, isla markaana iskaashigooda ganacsi iyo maalgashi uu sii kobcayo.

 

Waxa uu tilmaamay inay jiraan dhinacyo kale oo ay labada dal iskaashi dheeraad ah ka samayn karaan, gaar ahaan maalgashiga, isagoo xusay in iskaashiga ganacsi iyo maalgashi loo baahan yahay in lagu ballaariyo qaybta wax-soo-saarka warshadaha.

 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015