ITOOBIYA OO AWOOD WEYN U LEH ADEEGSIGA TEKNOLOJIYADDA GARAADKA MACMALKA AH EE (AI) EE AFRIKA IYO CAALAMKA

Addis Ababa,Dirir, Tiqimti,10, 2019 (ENA) Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay in Itoobiya ay awood weyn u leedahay adeegsiga teknoolojiyadda garaadka macmalka ah (AI), heer ahaan Afrika iyo caalamkaba.

 

Wafdi ka socda hay’adda ayaa booqday Machadka garaadka Macmalka ah ee dalka, halkaas oo ay masuuliyiinta machadka kala yeesheen wada xajood ku saabsan fursadaha iskaashiga ee adeegsiga teknoolojiyadda AI ee waaxda caafimaadka.

 

Xubnaha wafdiga ayaa sheegay in Itoobiya ay leedahay awood ballaadhan oo ay kaga faa’iidaysan karto teknoolojiyadda garaadka macmalka ah, isla markaana ay kaalin muuqata ka qaadan karto horumarinta adeegsigeeda Afrika iyo guud ahaan caalamka.

 

Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Machadka garaadka Macmalka ah ee Itoobiya Taye Girma Dr ayaa wafdiga u soo bandhigay xalal ku salaysan AI oo loo diyaariyey in adeegyada caafimaadka laga dhigo kuwo ay dhammaan bulshada heli karaan.

 

Waxa uu sidoo kale sheegay in dadaallo ballaadhan lagu bixinayo sidii muwaadin kasta uu uga faa’iidaysan lahaa teknoolojiyaddan.

 

Intii ay wada xajoodku socdeen, dhinacyadu waxay is-weydaarsadeen fikrado ku saabsan sida garaadka macmalka ahi u beddeli karo waaxda caafimaadka, loogu adeegsan karo xarumaha caafimaadka aasaasiga ah, isla markaana kor loogu qaadi karo awoodda iyo waxqabadka xirfadlayaasha caafimaadka.

 

Wafdigu wuxuu ammaanay shaqada uu machadku ka qabtay farsamaynta luqadaha dabiiciga ah (NLP), iyagoo xusay in teknoolojiyadda fahamka luqadaha iyo aqoonsiga hadalku ay faa’iido weyn u yeelan karaan waaxda caafimaadka.

 

Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in teknoolojiyadaha cusub, sida garaadka macmalka ah, lagu baahiyo guud ahaan qaaradda Afrika. 

 

Ugu dambayn Wafdigu wuxuu muujiyey rabitaan xooggan oo ku aaddan wada-shaqaynta Machadka garaadka Macmalka ah ee Itoobiya iyo xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015