RA'IISUL WASAARE ABIY AXMED (DR) TAARIIKHDA GEESINIMADA IYO NAF-HURNIMADA KENYA WAXAY SI WEYN UGU EGTAHAY TAARIIKHDA ADHWA EE ITOOBIYA

Addis Ababa, Dirir, Tiqimti,10,2019 (ENA) Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa xusay in taariikhda geesinimada iyo naf-hurnimada Kenya ay si weyn ugu egtahay taariikhda Adwa ee Itoobiya, halkaas oo Itoobiyaan ka kala yimid dhammaan daafaha dalka ay si wadajir ah ugu istaageen difaaca dalkooda.

 

Farriin uu Ra’iisul Wasaaruhu ku baahiyey barta uu baraha bulshada ku leedahay ayuu ku xusay inuu maanta ka qaybgalay, khudbadna ka jeediyey munaasabadda qaran ee Maalinta Mashujaa (Maalinta Geesiyaasha), oo lagu qabtay magaalada Eldhoret ee dalka Kenya. 

 

Wuxuu xusay inuu muujiyey qadarin weyn oo uu u hayo geesiyaashii u halgamay xorriyadda dalkooda, isla markaana naf-hurnimo weyn u sameeyey ilaalinta madax-bannaanidiisa.

 

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa sidoo kale sheegay inuu si weyn u qadariyo geesinimada ay muujiyeen geesiyaashaas iyo raadkii taariikheed ee ay ka tageen.

 

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu tilmaamay in taariikhda geesinimada iyo naf-hurnimada Kenya ay si weyn ula mid tahay taariikhda Adwa ee Itoobiya, halkaas oo dad ka kala yimid dhammaan qaybaha dalka ay midoobeen si ay u difaacaan dalkooda.

 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015