RA’IISUL WASAARAHA OO UGU BAAQAY SHACABKA TIGRAY INAY ILAASHADAAN MIDNIMADOODA IYO HAY’ADAHOODA , KANA WADA SHAQEEYAAN NABADDA IYO HORUMARKA - ENA Af-Soomaali
RA’IISUL WASAARAHA OO UGU BAAQAY SHACABKA TIGRAY INAY ILAASHADAAN MIDNIMADOODA IYO HAY’ADAHOODA , KANA WADA SHAQEEYAAN NABADDA IYO HORUMARKA
Addis Ababa, Dirir 10,2019 (ENA) – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed,Dr ayaa shacabka Tigray ugu baaqay inay ilaashadaan midnimadooda iyo hay’adahooda, isla markaana si wadajir ah uga shaqeeyaan nabadda iyo horumarka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wareysi afka Tigrinya ku baxayay siiyay Warbaahinta (EBC), kaas oo uu kaga hadlay xaaladda gobolka Tigray.
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Dr ayaa shacabka Tigray ee ku nool gudaha dalka iyo dibaddiisaba ugu baaqay inay ka qayb qaataan dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta.
Waxa uu sheegay in fiiro gaar ah la siinayo sidii hooyooyinku dib ula midoobi lahaayeen carruurtooda, isla markaana dib loo soo nooleyn lahaa horumarka bulshada iyo dhaqaalaha ee waxyeelladu gaartay.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu dhallinyarada hubeysan ugu baaqay inay hubka dhigaan, kana qayb galaan barnaamijka hub-ka-dhigista, ka-saarista kooxaha hubeysan iyo dib-u-dhexgalka bulshada (DDR).
Waxa uu sidoo kale hoggaamiyeyaasha milatariga iyo siyaasadda ugu baaqay inay si nabad ah isu soo dhiibaan.
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) ayaa xusay in dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo nabadgelyada shacabka ay sii socon doonaan, ilaa laga dhisayo maamul rasmi ah oo ku yimaada doorasho.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu carrabka ku adkeeyay in shacabka Tigray ay u baahan yihiin inay u gudbaan doorashada hoggaamiyeyaashooda, horumarinta beeraha iyo waraabka, iyo sidoo kale kobcinta macdanta iyo warshadaha.