Waxaa lasoo gabo'gabeeyey qiimaynta warbixinta waxqabadka rubuca koowaad ee S.M. 2019-ka

Waxaa lasoo gabo'gabeeyey qiimaynta warbixinta waxqabadka rubuca koowaad ee S.M. 2019-ka oo muddo saddex maalmood ah u socotay hoggaaminta xafiisyada Xisbiga Barwaaqo ee gobollada, maamul-magaalooyinka iyo garabyada Haweenka iyo Dhallinyarada ee Deegaanka.

 

Qiimayntan oo diiradda lagu saaray fulinta qorshayaashii rubuca koowaad, hawlaha siyaasadda iyo arrimaha bulshada, dakhliga, barnaamijyada horumarineed iyo hindisayaasha Xisbiga Badwaaqo ayaa intay socotay lagu adkeeyay xoojinta isla-xisaabtanka, wax-ka-qabashada caqabadaha jira iyo dardargelinta fulinta qorshayaasha.

 

Gabo'gabadii, hoggaaminta ka qaybgashay qiimayntan ayaa loo qabtay tababaro la xidhiidha ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga wakhtiga iyo muhiimadda hoggaaminta. 

 

Marwo Samiira Khadar Maxamed, Madaxa Garabka Haweenka Xisbiga Barwaaqo ee Deegaanka Soomaalida ahna wasiir kuxigeenka Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Caruurta DDS ayaa sheegtay in qiimayntan lagu lafaguray qorshayaashii rubuca koowaad, isla markaana hogaaminta la siiyey tababarro kor loogu qaadayo garaadka iyo kartida hoggaamineed ee xubnaha xisbiga.

 

XIGASHO :- SRTV

Wakaalada Warka Itoobiya
2015