DIB-U-HABAYNTA DEYMAHA CAALAMIGA AH LOO SAMEEYO JADWAL CAD OO DEGDEG AH :- EYOB TEKALIGN

Guddoomiyaha Bankiga Qaranka Itoobiya, Dr. Eyob Tekalign, ayaa sheegay in habraaca dib-u-habaynta deymaha caalamiga ah loo baahan yahay inuu yeesho jadwal cad oo degdeg ah.

 

Shirka sannadlaha ah ee 2026 ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bankiga Adduunka ayaa ka socda magaalada Bangkok ee dalka Thailand.

 

Muddada uu socdo shirka, waxaa sidoo kale la qabtay dood ku saabsan deymaha dowladaha ee caalamiga ah, taas oo Dr. Eyob Tekalign uu ku soo bandhigay waayo-aragnimada Itoobiya ee dib-u-habaynta deymaha.

 

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in dalalka cusub ee codsanaya dhimista deymaha loo sameeyo hannaan fudud oo hufan, isla markaana leh jadwal cad oo la raaco.

 

Waxa uu sidoo kale ku baaqay in la xoojiyo isku-duwidda deyn-bixiyeyaasha, isla markaana bilowga horeba xad loo sameeyo khidmadaha laga qaado adeegyada la-talinta.

 

Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale soo bandhigay arrimaha ay Itoobiya doonayso in mudnaanta la siiyo madasha caalamiga ah ee looga arrinsanayo deymaha dowladaha.

 

Waxa uu tilmaamay in Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bankiga Adduunka ay lagama maarmaan tahay inay xoojiyaan iskaashiga ka dhexeeya.

 

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dib loo eego shuruudaha adag ee deyn-helidda ee lagu dabaqo dalalka qiimeyntooda deymeed si ku-meel-gaar ah hoos ugu dhacday, kaddib marka ay dhammaystiraan dib-u-habaynta deymaha. 

 

Guddoomiyaha bankiga qaran ka Eyob Tekalign (Dr.) ayaa intaa ku daray in si isku-duwan loo maareeyo ilaha cusub ee maalgelinta, si ay si wax-ku-ool ah u taageeraan qorshayaasha horumarineed ee dalalka.

 

Wafdi Itoobiyaan ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Bankiga Qaranka Itoobiya, Dr. Eyob Tekalign, ayaa ka qaybgalaya shirka sannadlaha ah ee Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015