WAXAA LA DHAMMAYSTIRAY DIYAAR-GAROWGA SOO DHAWEYNTA KA-QAYBGALAYAASHA MADASHA TANA ( TANA FORUM) - ENA Af-Soomaali
WAXAA LA DHAMMAYSTIRAY DIYAAR-GAROWGA SOO DHAWEYNTA KA-QAYBGALAYAASHA MADASHA TANA ( TANA FORUM)
Bahir Dhar, Dirir,Tikimt, 3,2019 (ENA) Xafiiska Isgaarsiinta ee Dowladda Deegaanka Amxaarada ayaa xusay in diyaar-garow loo sameeyay soo dhaweynta iyo martigelinta ka-qaybgalayaasha Madasha Tana ee lagu qabanayo magaalada Bahir Dar.
Xafiisku wuxuu maanta warbixin ka bixiyay qabanqaabada madasha iyo hawlaha isgaarsiineed ee la xiriira diyaarinta munaasabadda
Madaxa Xafiiska Isgaarsiinta ee Deegaanka Amxaarada Abay Mengiste ayss xusay in la dhammeystiray qabanqaabada lagama maarmaanka u ah in si guul leh loo qabto Madasha Tana, taas oo magaalada Bahir Dhar ka dhici doonta 13-ka ilaa 15-ka bisha Tikimt 2019.
Wuxuu sheegay in madasha loo qabanqaabinayo qaab kor loogu qaadayo sumcadda Itoobiya, isla markaana lagu soo bandhigayo horumarka dalka.
Waxa uu intaas ku daray in Madasha Tana ay tahay madal ay Afrikaanku kaga tashadaan xal u helidda dhibaatooyinka qaaradda, iyaga oo adeegsanaya aqoontooda, waayo-aragnimadooda iyo hoggaankooda.
Dhanka kale Abay Mengiste ayaa xusay in 11-kii kulan ee hore ee madasha lagu qabtay magaalada Bahir Dar ay door muuqda ka qaateen aqoonsiga caqabadaha qaaradda ka jira iyo soo jeedinta talooyin xal loogu raadinayo shirarka madaxda Afrika.
Wuxuu xusay in kulamadii hore diiradda lagu saaray nabadda iyo xasilloonida Afrika, dardargelinta horumarka iyo kobaca dhaqaalaha, iyada oo laga soo saaray talooyin iyo jihooyin lagu hagayo tallaabooyinka mustaqbalka.
Dhanka kale , wuxuu tilmaamay in madashu ay ka doodday caqabadaha ay Afrika kala kulanto ka faa’iidaysiga kheyraadkeeda, gaar ahaan tahriibinta sharci-darrada ah ee dadka iyo dhaqaalaha, isla markaana la soo bandhigay habab wax looga qaban karo dhibaatooyinkaas.
Madaxa xafiiska ayaa sheegay in Madasha Tana ee 12-aad, oo sannadkan lagu qabanayo hal-ku-dhegga (Waddooyinka Nabadda Afrika, Madaxbannaanida Dhaqaale iyo Isbeddelka Juqraafi-siyaasadeed) la filayo inay diiradda saarto nabadda, xasilloonida iyo horumarka qaaradda Afrika.
Wuxuu intaas ku daray in Itoobiya ay sii waddo kaalinteeda ku aaddan horumarinta qaaradda, isaga oo xusay in sidii ay uga qayb qaadatay halgankii xorriyadda dadka madow ee dunida, ay maanta dadaal ugu jirto xaqiijinta horumarkeeda iyo kobaceeda, si faa’iidooyinkaas ay ugu fidaan dalalka kale ee Afrika.
Abay Mengiste ayaa sidoo kale sheegay in hoteellada iyo xarumaha kale ee adeegga ee magaalada Bahir Dar ay diyaargarow sameeyeen si ay u martigeliyaan hoggaamiyeyaasha Afrika, cilmi-baarayaasha sare iyo khubarada ka qaybgalaysa madasha.
Madasha Tana ee 12-aad ayaa lagu qaban doonaa magaalada Bahir Dhar, laga bilaabo 13-ka ilaa 15-ka bisha Tikimt 2019 ee taariikhda Itoobiya.