Ra'iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa Hambalyo u diray Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr)

Addis Ababa; Koxdin 28/2019 (ENA): Ra'iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa hambalyo u diray Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr).

 

Fariintiisa, Ra'iisul Wasaaraha ayaa ku muujiyay farxadiisa dib u doorashada Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr) oo uu ku guuleystay Golaha Wakiillada Shacabka.

 

Wuxuu tilmaamay in dalkiisu uu muhiimad weyn siinayo iskaashiga istaraatiijiyadeed ee uu la leeyahay Itoobiya.

 

Ra'iisul Wasaare Narendra Modi ayaa sidoo kale xaqiijiyay inuu ka shaqeyn doono sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo saaxiibtinimada labada dal.

 

#Dowladda_Medemer

Wakaalada Warka Itoobiya
2015