AWOODDA DAD IYO DHAQAALE EE ITOOBIYA IYO NAYJEERIYA WAXAY WAX WEYN KA TARI KARTAA QAABAYNTA MUSTAQBALKA AFRIKA :-RA’IISUL WASAARE KU-XIGEEN TEMESGEN TIRUNEH - ENA Af-Soomaali
AWOODDA DAD IYO DHAQAALE EE ITOOBIYA IYO NAYJEERIYA WAXAY WAX WEYN KA TARI KARTAA QAABAYNTA MUSTAQBALKA AFRIKA :-RA’IISUL WASAARE KU-XIGEEN TEMESGEN TIRUNEH
Addis Ababa, Koxdin, Meskerem 27,2019 : Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Temesgen Tiruneh, ayaa sheegay in awoodda dad iyo dhaqaale ee Itoobiya iyo Nigeria ay labada dal u saamaxayso inay door weyn ka qaataan qaabaynta mustaqbalka Afrika.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Temesgen Tiruneh ayaa maanta kulan wadaxajooda la yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenka Nigeria, Senator Kashim Shettima.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa xusay in kulanka wada xajoodka diiradda lagu saaray dhinacyada iskaashiga labada dal ee Itoobiya iyo Nigeria ay si wadajir ah uga shaqayn karaan.
Waxa uu tilmaamay in labada dal ay si qoto dheer uga wada hadleen iskaashiga iyo is-weydaarsiga khibradaha, gaar ahaan dhinaca xaqiijinta sugnaanta cuntada.
Waxa uu sidoo kale uga mahadceliyay dowladda Nigeria booqashadii ay wafdigeedu ku yimaadeen Itoobiya, taas oo uu sheegay inay ka dhalatay aqoonsiga guulaha la taaban karo ee laga gaaray Heshiiska Seqota iyo doonista Nigeria ee ah inay ka faa’iidaysato khibradda Itoobiya.
Madaxweyne Ku-xigeenka Nigeria, Senator Kashim Shettima, ayaa isna sheegay in sida ay dowladdiisu uga go’an tahay horumarinta nidaamka nafaqada dalka ay tusaale u noqon karto dalalka kale ee Afrika.
Itoobiya iyo Nigeria oo leh iskaashi istiraatiiji ah ayaa sheegay in awoodda dad iyo dhaqaale ee labada dal ay xoojin karto kaalintooda Afrika. Itoobiya waxay sidoo kale fududeysay nidaamka baasaboorrada diblomaasiga ah iyo kuwa adeegga, iyadoo muwaadiniinta Nigeria ee sita baasaboorradaas loo oggolaaday safar fiiso-la’aan ah.
Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay gacan ka geysan karto xoojinta xiriirka dadka labada dal iyo iskaashiga diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Nigeria.
Dhinaca maalgashiga, waxaa kulanka lagu soo qaaday kaalinta muuqata ee ganacsade Aliko Dangote uu ka qaadanayo horumarka Itoobiya.